Search

Maamulka Muqdisho Oo Mar Kale Codsaday In ICAO Hawda Somalia Ku Soo Celiso Gacantooda

“Yaan La Siyaasadayn Hawada Soomaaliya, Somaliland Shaqo Kuma Laha Hawada, Cidda Kali Ah Ee Wax Laga Waydiinayaa…..”

Wasiir Jangali Oo Kanada U Jooga Isku Daygii Ugu Dambeeyey Ee Kooxda Muqdisho Ku Rabto In Ay Hawada Somalia/Somaliland Kula Wareegaan

Montreal (Foore)- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maamulka Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo booqosho ku jooga xaruunta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista ee ICAO oo ku taalla magaalada Montreal ayaa darraad Isniintii waxa uu kulan la qaatay madaxda sare ee hay’addaas oo ay ka mid ahaayeen; Madaxa Hay’adda ICAO Olumuyiwa Benard Aliu, Xoghayaha Cusub Dr. Fang Liu Iyo Xoghayaha Xilligiisu Dhammaaday Raymond Benjamin.
Mr. Jangali oo ay weheliyaan laba sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Duulista Maamulka Muqdisho Soomaaliya ayaa Masuuliyiinta ICAO waxa ay ka codasadeen in si degdeg ah ay hay’addu u qaadato go’aankii ay hore u ogolaadeen ee ahaa in Hawada Soomaaliya lagu soo wareejiyo kooxda Muqdisho ee sheegata Federaalka Soomaaliya.
Cali Jaamac Jangeli waxa uu Warbixin ka bixiyey xaaladda Duulista Hawada Somalia, isagoo xusay inay hawl-wadeenno ka tirsan hay’adda Duulista lagu dilay Muqdisho, qaar kalane ay daweyn ugu maqan-yihiin dalka dibaddiisa. Wuxuuna intaas ku daray in shaqaalaha hay’adda ay ku shaqeeyaan xaalad adag, imikana xaaladdu soo hagaagtay sidaa darteed la gaadhay wakhtigii ay dawladdiisu gacanta ku qaban lahayd hawada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Somalia Mr. Jangeli ayaa ka codsaday hay’adda ICAO in ay dardar-galiso sidii hawada dalka Soomaaliya (Somali Airspace) dib loogu soo celin lahaa Dawladdiisa Muqdisho, halka hadda laga maamulo dalka Kenya.
Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay dawladda Xamar ku andacoonayso in ay iyadu maamulayso ayaa ku baahsan illaa iyo Badweynta Hindiya (Somali Flight Information Region – FIR) ayaa waxaa in ka badan 22-sano gacanta ku haysay hay’adda CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia). Hay’adda CACAS ayaa waxaay Sannad Walba Qaadi jirtay Qayaastii $6 illaa $7 Milyan oo doollar sannadkiiba (over-flight fees).
Warbixin lagu baahiyey warbaahinta Maamulka Muqdisho ayaa lagu sheegay in Cali Axmed Jaamac Jangeli u Caddeeyay Madaxda Hay’adda ICAO inaana la Siyaasadayn Hawada Somalia isagoo sidaa ula jeeday Jamhuuriyadda Somaliland oo iyana sheeganaysa in qayb ka yihiin maamulka hawada wixii la isku odhan jiray Soomaaliya, maadaama Somaliland gooni isaga taagtay dalkaasi la odhan jiray Soomaaliya xaqna ay u leedahay in ay iyadu masiirka hawadaada ka taliso, arrinkaasi oo ka mid ah arrimaha waaweyn ee khilaafka ka dhex abuura maamulka taagta daran ee Muqdisho fadhiya oo sheegta dhammaan hawada Somalia iyo Somaliland.
Wasiirka Duulista Hawada Muqdisho Mr. Jangali ayaa ku celceliyey in dawladda Somalia oo kaliya ay mas’uul ka tahay hawadda dalka Soomaaliya cid kalana aan lagala xidhiidhi Karin isaga oo iska indho tiray heshiiskii arrinkan ay ka wada gaadheen Somaliland iyo maamulka Muqdisho. Xubanaha dalalka Afrika u matala hay’adda ICAO (African Group) ayaa dhankiisa la kulmay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya. Waxayna uga warbixiyeen Qorshaha la rabo in lagu Horumariyo Hawada Qaaradda Afrika. Waxayna u Xaqiijiyeen Wasiirka in ay ku Dadaali doonaan sidii dowladda Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd maamulka hawadeeda, sida warbixintan lagu sheegay.
Ugu dambeyn, Wasiir Jangeli ayaa Madaxda hay’adda ICAO ku wargaliyey in Maxamed Khaliif Jaamac uu noqon doona shaqsiga ay dowladda Soomaaliya u magacowday inuu xiriirin doono ICAO iyo Waxaada duulista Hawada Soomaaliya (The Focal Point to ICAO).

9




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *