Search

Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Cabsi Qaba Mudaharaad Reer Berbera Ku Muujiyaan Diidmadooda Wareejinta Dekedda Berbera

Berbera (Foore)- Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera oo uu ku sugan Yahay Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ayaa saacadihii ugu dambeeyey dadweynuhu si weyn u hadal hayaan warar sheegaya in xukuumaddu si rasmi ah heshiis ugu wareejinayso shirkado carbeed dekedda Berbera iyo madaarka Berbera taasi oo dadweynaha reer Berbera dareen xooggan oo cadho ah ka muujiyeen.
Inkasta oo Maamulka Dekedda Berbera habeen hore beeniyey wararka arrintaasi tilmamaya ayaa haddana shalay oo Jimce ahayd Goobaha dadku ku kulmaan waxa si weyn looga hadal hayay arrintan oo muddoba ku soo noqnoqonaysay dhegaha shacabka reer Somaliland.
Wariye goob joog ku ahaa shalay Magaalada Muqdisho ayaa wargeyska Foore u sheegay in maamulka Gobolka iyo Degmadu si weyn uga cabsi qabaan mudaharaad mucaaridku dabada ka riixayo oo ka dhaca magaalada Berbera taasi oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan wararka sheegaya in xukuumaddu shirkado maal-gashi ku wareejinayso dekedda Berbera iyada oo culays weyni maamulka Gobolka iyo Heer Degmoba ku hayo safarka Madaxweynaha oo warbaahintu ku sheegtay mid nasasho balse dadweynuhu si kale u micnaysanayaan. Waxa iyaguna arrinkan si weyn uga faa’iidaysanaya Masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo warbaahinta ku baahiyey warar ay ku sheegayaan in xukuumaddu si badheedh ah u wareejinayso Dekedda Berbara kadib wareejintii Haamasha Shidaalka oo dhawaan xukuumaddu u gacan galisay shirkado gaar ah oo Waddani ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa culayska ugu weyni ku dhacay maamulka Gobolka iyo Degmada oo walaac weyn ka qaba mudaharaad shacabka reer Berberi arrinkan ka sameeyaan mudada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay Berbera taasi oo joof iyo jiifba u diidday. Illaa imika si cad xukuumaddu ugama hadal wararkan xanta ah ee sheegaya in ay wareejinayso Dekedda iyada oo ay dalka ku sugan yihiin waftiyo carbeed oo arrintan lala xidhiidhiyey. Ciidamada ammaanka ayaa heegan ku jira.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *