BREAKING NEWS
Search

Maamulka D/Hoose oo go’aamiyay in Warbaahinta lagu qoro Ganacsatada ay ku baaqdeen cashuuruhu

Hargeysa (Foore)-Duqa Caasimada Hargaysa Eng Xuseen Maxamud Jiciir oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo Xoghayaha fulinta ee dawlada hoose Mawliid Waris Cabdilaahi ayaa maanta shir kula yeeshay Gudoomiyayaasha degmooyinka caasimada hoolka Shirarka ee Dawlada hoose.

waxa shirkaasi lagu lafo-guray dardargelinta, Sare u qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha iyo cashuur ururinta dawlada hoose taas oo lagu soo bandhigay daraasad ay in mudo ahba wadeen maamulka dawlada hoose iyo gudida dhaqaalaha ee golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa.

Waxaana shirkaasi la isla qaatay in la hawl geliyo afartan Jaamici oo mudooyinkii u danbeeyay si ku meel gaadh ah ula shaqaynayay dawlada hoose isla markaana ka hawl geli doona waaxda cashuuraha.

Waxaa kale oo ka mid ah qodobada kale ee la isku raacay in dadka ay ku mudo dhaafto bixinta ardiyadaha iyo Liisamadu loogu dari doona boqolkiiba toban oo ganaax ah iyo sidoo kale in iyana dadka wax u dhima bilicda caasimada isla markaana ay barbar socoto olole lagu baadhayo daawooyinka iyo raashinka wakhtigoodu dhacay.

Gaba gabadii waxa shirkan lagu soo bandhigay in dadka Tijaarta ahi ay yihiin kuwa aan bixin cashuurta sharcigu ku waajibiyay waxaana la go’aamiyay in tijaarta ay ku baaqatay cashuuraha lagu leeyahay kagu qori doono warbaahinta kala duwan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *