Maamulka Dekedda Berbera Oo Ka Warbixiyay Qalab Cusub Oo Ay Soo Iibsadeen

Berbera (Foore)- Maareeyaha Dekeda Berbera, Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor), ayaa ka warbixiyey qalab casriya oo dhawaan loo soo iibiyay Dekeda.

Waxa uu sheegay Maareeyuhu in qalabkani uu wax weyn ka tari doono howlaha Dekedda Berbera oo xilligan ah mashquul bad furanka awgii, waxa kale oo maareeyaha dekedda Berbera ganacsatada u soo jeediyey inay sida ugu dhakhsaha badan ay ugala baxaan gaadiidka dekedda ay kala soo dagaan, waxaanu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, kaasoo ay ku wehelinayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Berbera Cali Maxamed Cilmi.

Maareeyaha Dekeda Berbera. Eng, Cali Xoor-Xoor oo ugu horeyn ka hadlayay qalabka cusub ee dekada Berberi soo iibsatay waxa hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaan ka hadlayaa faa’iidada qalabkan cusubi ee casriga ahi u leeyahay dekedda, waxa bilaabmay xilligii shaqada ee dekedda waxaa laga baxay xagaagii waxa bilaabmay bad furankii, markaa badeecado dheeraad ah ayaa iman doona oo lagu rogayaa qalabkan, waxaanu wax wayn ka tari doonaa howlaha rogista iyo rarista ee dekedda.

Waxa kale, oo uu xusay Meereeyuhu in qalab kale ay u soo socdaan, isla markaana ay rajaynayaan bishan gudaheeda inay soo gaadhaan.

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor waxaa uu ugu baaqay ganacsatada dekedda wax kala soo daga inay badeecadahooda sida ugu dhakhsaha badan ugala baxaan. “Ganacsatada alaabta iyo gaadiidka kala soo daga dekedda waxaan ku wargalinayaa inay sida ugu dhakhsaha badan alaabtooda ama kuwa baabuurta kala soo daga dekedda inay sida ugu dhakhsaha badan ugala baxaan dekedda, maadaaama cidhiidhi badani jiro xilligan jiro.” ayuu yidhi Eng. Cali Xoorxoor.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo Xoghayaha Dowladda Hoose degmada Berbera Cali Maxamed Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa qalabka cusub ee dekedda ku hambalyeeyay maamulka dekdedda.

Qalabka casriga ee dekedda Berbera ay soo bandhigtay ayaa ka koobnaa, laba wish iyo gaadhi dabdamis ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *