Search

Maamulka Degmada Xudur Oo Sheegay In Dowlada Jawaab Ay Ka Sugayaan

Xudur(Foore) Masuuliyiinta maamulka Gobalka Bakool ee dhawaan lagala wareegay Degmada Xudur ee Gobalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Soomaaliya ka sugayaan jawaab ku aadan la wareegida Degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobalka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado dhaq-dhaqaaqyo ku aadan in ciidamada AMISOM ay la wareegaan guud ahaan Gobalada ay ka baxaan ciidanka Ethiopia.

Wuxuu sheegay in ciidankii Dowladda ee la wareegi lahaa Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ay diyaar yihiin iminkana ay jawaab ka sugayaan Dowladda Soomaaliya.

Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray in hadii Dowladda Soomaaliya ay amarsiiso inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ay la wareegayaan sida uu sheegay.

Dhawaan ciidanka Ethiopia markii ay isaga baxeen Degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxaa halkaasi la wareegay ciidamada Shabaab oo iminka maamula Degmadaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *