BREAKING NEWS
Search

Maamulka degmada Bali-dhiig oo aasay 7 Barkadood oo laga qoday dhul daaqsimeed

Hargeysa (Foore)- Maamulka Degmada Bali-dhiig ee gobolka Togdheer, ayaa aasay 7 barkadood oo laga sameeyay dhul daaqsimeed u dhaxeeya Tuulooyinka Ceel-madoobe iyo Dheryalay.

Booliska degmada Bali-dhiig ayaa xidhay 9 qof oo ka mid ah dad lagu eedeeyay inay dhul daaqsimeedkan ka sameeyeen barkadahaasi ka dib markii dadweynaha deegaankaasi ay si adag uga horyimaadeen in dhulkaasi laga sameeyo barkado kuwaasi sabab u noqon kara in tuulooyin cusub laga yegleelo goobaha barkadaha laga qoday.

Guddoomiyaha degmada Bali-dhiig ayaa saxaafadda u sheegay inay saaka fuliyeen hawl gal balaadhan oo lagu aasay barkadahaasi oo uu ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo waxyeelanaysa bad-qabka deegaanka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha Bali-dhiig waxa uu u mahad celiyay dadweynihii maamulka degmada kala shaqeeyay aasida barkadahan oo khilaaf weyn ka dhex abuuray bulshada iyo raggii qoday.

“Waxa go’aankan aanu ku aasnay 7 barkadood uu la xidhiidhaa fulinta go’aamo xukuumada Somaliland ku mamnuucday in deegaanka dhul daaqsimeedka ah laga sameeyo tuulooyin cusub oo sababi kara amni darro iyo iska hor imaadyo ka dhex mara dadweynaha,”ayuu yidhi Gudoomiyuhu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *