BREAKING NEWS
Search

Maamul Gobaleedka Puntland Ayaa Si Cad Uga Soo Horjeestay In Xayiraada Hubka Laga Qaado Dawlada Somaliya

Fadhigii golaha wasiirada ee maamul gobaleedka puntland

Garowe(Foore)-Golaha wasiirada ee maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay magalaada Garowe ayaa si cad u diiday in laga qaado xayiraada hubka ee saaran dowlada Federalka soomaaliya.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadllay wasiirka warfaafinta maamul gobolleedka Puntland Max’uud Ceydiid Dirir oo sheegay in ay maamul gobolleedka Puntland ay si weyn uga soo horjeedo qodob-ka la xiriira qaadisata cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in arintaa sida uu hadalka u dhigay khatar weyn ku keeni karto nabad-galyada dalka, madaama ayuu yiri xiligan Soomaaliya aysan u baahneyn hub kale oo loo keeno.

‘’Soomaaliya hub kale uma baahna, laakiin hub ka dhigis ayay u baahan tahay, annaga ka maamul gobolleedka Puntland ahaan si weyn ayaan uga soo horjeednaa in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo u suurtagalin karta koox gaar ah in ay is hubeyso,’’ ayuu yiri wasiirrka warfaafinta Puntland.

Waxaa uu sheegay in maamul gobolleedka Puntland mar walba u taagan yahay in uu ka shaqeeyo nabad-galyada iyo xisiloonida dalka, islamarkaana u arkaan qaadisata xayiraada hubka mid dhalin karta xasilooni darro.

Inkastoo maamul gobolleedka Puntland uu ka soo horjeestay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, ayaa waxaa xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celi celisay kana codsatay gollaha amaanka in laga qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *