Search

“Ma-Gafe” waa Kuma?” Qiso dhab ah! (Xanuunka Tahriibka oo i-saf-mareeyay)

Mustafe A. Muuse
kibaaro@gmail.com

Bismillahi Raxmaani Raxiim.
Goortu waa 7:50pm (fiidnimo) habeen Axad ah oo ay Isniin soo galayso, oo ku beegnayd 1-da bisha November, 2015; Goobtuna waa SAFAARI oo ah meherad hurdo iyo makhaayad laga cunteeyo isugu jirta oo ku taal xaafadda Jigjiga-yar ee galbeedka Hargeysa, Somaliland; waxa aanu ku gudo jirnay xallinta dhul ay ku muransanyihiin laba qoys oo maxkamadda ku jira; waxa I soo wacay telefoon aanan hore u arag, dabadeed kama aan jawaabin oo hawshii ayaan iska sii watay, waxyar ka dib ayuu ii soo diray farriin qoraal ah (message), markii aan ka bogtay ayaa iigu danbaysay hawshii aanu u fadhinnay oo mar kaliya ayay maskaxdaydii baxday, sababtuna waxa ay ahayd nuxurka farriinta oo u dhignayd sidan: “Salaamu Calaykum, walaal waa wiil jooga magaalo heblaayo, (magaalada waxa aan u qariyay codsi qofkaas xaggiisa ka yimi),walaal waxa aan kuu hayaa arrin ku saabsan qoyskaaga ee telefoonka iga qabo.”
Isla markii aan kasoo baxay kulankii ayaan dib u garaacay, waxa aanan ku idhi; “Salaamu Calaykum, walaal waa inankii aad soo garaacday, maxaa dhacay?”
Waxa uu iigu jawaabay, “Waar waa nin ku garanaaya laakiin ma jecli in aan isku kaa sheegee, halkan waxa aan ku hayaa magaca gabadh aad walaalo tihiin oo beri haddii Ilaahay ogolaado Hargeysa ka soo baxaysa (tahriibaysa), gaadhigii la saari lahaana waa diyaar oo lacagtii way bixisay, sidaas awgeed, waxa damiirkaygii i siin waayay in aan tahriibiyo nin aan si wanaagsan u garanayo walaashii oo aanu macaariif illaa carruurnimo isku leennahay”
Naxdintii hore waxa iigu biirtay mid labaad oo xanuunka dadka laga tahriibo ayaa markiiba aniga oo aan fileyn I galay, isaga oo aan hadalkii dhammayn ayaan bilaabay feker xeel-dheer iyo walaac.Isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi; “Ma doonayo in la ogaado halka aan joogo, cidda aan ahay iyo shaqada aan qabto, ee waxa aad yeelaysaa hawshaada qabso oo walaashaa badbaadi!”
Inta aan meel cidlo ah istaagay ayaan muddo naftayda la shaawiraayay, waxa aan go’aansaday in aan ku celiyo si aan xog dheeraad ah uga helo. Inta aan garaacay ayaan waydiiyay, “Gabadhu waa tuma?”Waxa uu igu jawaabay, “Waa ‘heblaayo’” Magaceedii saxda ahaa ayuu sheegay. Markaas ayaan xaqiiqsaday in uu run sheegayo. ‘Heblaayo’ oo aynu sheekadan ku isticmaali doono ‘SAFA’ waa mid ka mid ah hablaha aanu walaalaha nahay oo Rug iyo reer leh.
Si aan xog kale u helo ayaan dib u garaacay oo waxa aan waydiiyay, “Adiga ayaa kugu soo xidhay?”Waxa uu yidhi; “Hablo ay saaxiibo yihiin oo tahriib Masar ku jooga oo iyada iyo hablo kale sugaya”.Haddana waan ku celiyay oo waxa aan waydiiyay, “Imisada ayay soo baxaysaa? Yayse raacaysaa?”Waxa uu yidhi, “Todobada subaxnimo, waxa ay soo raacaysaa oo guriga ugu imanaaya inan (gabadh) kale oo gaadhiga soo kaxaynaysa”.
Halkaas marka ay sheekadu marayso ayaan yara nafisay. Waxa aan ka codsaday in uu ila shaqeeyo illaa inta aan xaqiijinayo arrintan. Isagana waxa aan u ballanqaaday in aan la ogaanayn.
Waxa aan go’aansaday in aan arrinta la socodsiiyo Hooyaday, haddana waan ka maagay, laba arrimood awgood: (b) Hooyo dhawaan ayay qalliin ka soo baxday oo waxa ay ku jirtaa muddadii baxnaanada, loomana ogola naxdin iyo rafaad. (t) Hooyo aad iyo aad ayay u jeceshahay SAFA oo way adag tahay sida ay u rumaysato ‘SAFA ayaa tahriibaysa’!.
Habeenkii ayaa dheeraaday, waagiina waa uu durkay, salaadii subax kadib, maalintii ay bixi rabtay, ayaan kasoo jarmaaday gurigaygii, waxa aan tegay gurigii Ayayday (Mocooyaday) oo Hooyo lagu baxnaaninayay.Intaan meel gaar ah ula baxay ayaan ku idhi, “Hooyo, SAFA ayaa la leeyahay saaka ayay tahriibaysaa, warkaas miyaad haysaa.” Inta ay fajacday ayay ku jawaabtay “Maya”.
Ammintii uu Ma-gafuhu ii sheegay markii ay ka hadhsanayd qadar daqiiqado ah ayaan soo joogsanay meel aan ka fogayn gurigeeda. Waa Aniga, Hooyo iyo Nin aanu asxaab nahay, waxa aanu wadanay gaadhi aan ahayn kii la igu yaqaanay, haddii ay nasoo jaleecdo way adkayd in ay na aqoonsato, waayo waxa aanu hagoognayn cumaamad.
Markii aanu taagnayn cabbaar oo gurigii cidba ka soo bixi wayday ayaan la xidhiidhay Ma-gafihii, aniga oo ka ilaalinaya in ay ogaadaan Hooyo iyo saaxiibkay.Waxa uu ii sheegay in ay baxday, gaadhi bas ah oo kuwa TOG-WAJAALE u baxana ay la socoto, Hargeysana ka soo baxeen, laakiin aanay fogaan.
Arrintii ayaa jiq nagu noqotay, muran dhexdayada ah kadib, waxa aanu ku heshiinay inta aanan Wajaale u bixin in aanu ka soo hubino dhammaan gaadiidka Wajaale u safra. Waxa aanu tagnay goobaha laga raaco basaska rakaabka (passenger)ee SAHAL, EAST AND WEST (Bari iyo Galbeed) iyo Istaanka Baabuurta Wajaale ee Gobonnimo.
Waanu ka waynay, aniga oo taagan Istaanka basaska ee Gobonimo ayaa waxa aan xasuustay nindarawal ah oo aanu qaraabo nahay, waan la hadlay, isla markiiba wuu noo yimi, waxa aan u sheegay in SAFA oo uu si wanaagsan u garanayo ay saaka tahriibayso, “Imisa gaadhi ayaa saaka Wajaale u baxay?” ayaan waydiiyay.
Waxa aan filayaa in uu yidhi; “Kii labaad ayaa hadda buuxsamay oo dhaqaaqaya, ee bal aan ka soo eego,” markii uu daqiiqado kooban naga maqnaa ayuu nagu soo laabtay, waxa uu noo sheegay in dhawr dumar ah oo niqaaman (shareeran) ay fuushan yihiin, laakiin mid SAFA u muuqaal eeg ay ku jirto.
Si degdeg ah ayaan gaadhigii uga dhaadhacay, waxa aan aniga iyo dirawalkii u jihaysanay dhinicii gaadhiga rakaabku taagnaa, markii aanu in nabar ah u jirsanay ayuu baskii xawaare dheer ku dhaqaaqay. Halkii uu taagnaa markii aanu gaadhnay ayuu KAARIGII na waydiiyay; “Ma NAFAR ayaad waddaan?” Waxa aan ku idhi; “Sawka baskii dhaqaaqay, miyuu buuxsamay?”Inta uu telefankii kala hadlay ayuu igu yidhi; “NAFAR-kii mee? Gaadhigii meel ayuu joogsadee.” “Waa aniga” ayaan ku idhi, dabadeedna waanu yaacnay waxa aanu ku gaadhnay RADIO HARGEISA horteeda.
Markii aan rakaabkii Baska qooraansaday, ishaydu waxa ay ku dhacday mid ka mid ah gabdhihii wada niqaamnaa oo aan u maleeyay in ay SAFA tahay.ILLAAHAY (SWC) waxa uu afkayga ka soo saaray SAFAAY soo deg. Waxa ay ahayd maalin ka mid ah maalmihii iigu farxadda badnaa. Nasiib-wanaag, waaba iyadii oo niqaaman shandadna garabka ku sidata, waxa aan ku idhi “Yaa kula socday?” waxay tidhi: “HODAN” waaba gabadh kale oo niqaaman, “Iyadana soo deg dheh” ayaan ku celiyay.Dirawalkii iyo rakaabkii baska ayaa yara buuqbuuqay, dirawalkii ayaan ku idhi, “Waar saw lacagtii ma haysatid, orad oo iska soco.”
Gaadhigii aanu wadannay ayaan labadii hablood saarnay, HODAN ayaa damacday in ay gaadhiga iska tuurto oo nala dagaalantay. Waxa aanu go’aansanay in aanu labadoodba gayno saldhiga IBRAAHIM KOOD-BUUR inta la helayo haybta HODAN. Abaaro 5:00pm (galabnimo), markii booliskii culays na saareen ee ay HODAN cidi u iman wayday ayaan soo daayay labadoodiiba. HODAN waxa ay nagaga degtay XERO-AWAR, waxaana la ii sheegay in ay isla habeeenkiiba baxday, oo hore loogu taag waayay.
Aniga, SAFA, Hooyo iyo Saygeedii ayaa saacado dheer isku qaatay. Waraysi dheer iyo sasabaad kadib, SAFA waxa ay nooga warantay sababaha ku kelifay tahriibka. Marka laga reebo hablo ay asxaab iyo qaraabo yihiin oo uga gacan haadinaya Yurub iyo Masar, waxa ay naga codsatay arrin kale oo aanu xalkeeda ku jirno ILLAAHAYNA BARYAYNO in uu noo fududeeyo, si ay uga baaqsato TAHRIIB dhibkiisa aynu ka wada dharagsanahay.
DULUCDA SHEEKADA:
Inkasta oo aanan jeclayn in aan sheekadan qoro, haddana waxa igu kelifay arrin aan u arko xal oo ah:
1. In xalka ka hortagga TAHRIIBKA lagu daro in Ma-gafaha laftigiisa la shaqaalaysiiyo ama lagu dhex daro shaqaale dawladaha geesku ay hawl-geliyeen.
2. In aan la dhayalsan cabashooyinka dhallinyarta, sida hablaha, gaar ahaan kuwa la qabo oo baryahan la sheegay in ay TAHRIIBKA ku badan yihiin oo qaarna doonyaha iyo saxaraha ku dhex umulaan (dhallaan).
3. In Baabuurta rakaabka iyo Huteeladda la seexdo laga qaybgeliyo xalka TAHRIIBKA, gaar ahaan kuwa TOG-WAJAALE iyo guud ahaan xuduudaha.
4. In TAHRIIBAYAASHA tiradda yar ee badbaada lagu wacyi-geliyo sidii ay u joojin lahaayeen DHAAMEELKA-BEENTA ah ee ay u lulayaan asxaabtooda iyo qaraabadooda dalka joogta.
5. In Shaqo abuur, goobo lagu maararoobo iyo maktabado casri ah oo aqoonta la isku dhaafsado (Recreation centers and libraries) la hirgeliyo. Goobahaas waxa ku filan lacagaha ololaha (campaign) la kala qaato.
6. Iyo in Culimadda iyo Aqoonyahanku ay ka fekeraan barnaamij lagu tayaynayo ‘Kalsoonida Allaah (SWC), Kalsoonida nafta’ iyo qiimaha ay ‘wadaniyaddu’ leedahay.

Mustafe A. Muse
kibaaro@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *