BREAKING NEWS
Search

Ma Gabadha Mise SHabeelka ? Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaa uguna awood badanaa, boqorku wuxuu lahaa fikrado badan oo uu ku soo kordhiyey xeerarkii iyo sharciyadii u dajisnayd ee wakhtigaasi la isku xukumi jiray, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsan oo midho dhal lahaa, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun, mid ka mid ah fikradaha boqorkaasi waxay ahayd in goob fagaare ah, ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaalada, oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay galin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba natiijada wixii ugaga soo baxa nasiibkooda, inkastoo fikradaasi dadka qaar ay ka soo horjeedeen in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana waxa fagaarahaasi si waajir ah u iman jiray dhamaan dadka oo dhan.

Boqorku, munaasabadaas wuxuu ku soo fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay kursi loogu tallo-galay, waxa kale oo astaan u ahayd amarada uu bixiyo inuu iska furmo albaab ka hooseeya, ka soo horjeedkiisana waxa ku soo beegnaa oo ku yaalay laba Albaab oo kala durugsan, iskuna eekaa, hoostiisana sidoo kale, waxa ku kala yaalay labada dhinac laba albaab oo kala durugsan, iskuna eekaa.

Marka la hor keeno eeday-sanaha fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada, waxa la kala dooran siin jiray, inuu furto mid ka mid ah albaabada ku yaalay garoonkaasi ee uu raalida ka yahay wixii ugaga soo baxa, haddii uu diido inuu talaabsado, waxa kaxeyn jiray qof ka mid ah maxkamadaasi, isla- markaana horgeyn jiray albaabadaas, inuu furto mid ka mid ah, oo uu raali ka yahay, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi-jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla-markiiba si dhakhso ah intuu ugu soo boodo ayuu goosan jiray, taasina waxay ahayd mid-ciqaab loogaga dhigi jiray xad-gudub-koodii, qaraarkan wuxuu ahaa mid lagu fuliyo, kuwa lagu tuhunsan yahay danbiga lagu soo eedeeyey, sidoo kalena waxa baxa dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keena ilmada badan, wakhtiyada dal-dalaada ee dadka xadhiga qoorta loo galiyo.

Inkastoo ay ka mid tahay dariiqooyinka hoyga aakhiro loo marro, haddana dadkaa qiireysani aad bay u weynayn jireen, una xurmeyn jireen in ay arrintaasi ahayd cadaalada dariiqada dhimashada dhalin iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu eeday-sanahaasi uu furro mid ka mid ah albaabka uu doortay, waxa ugaga soo bixi-jiray gabadh aad u qurux-badan, isla-markiiba, waxa xoog ku kaxeyn jiray haween, ka dibna si deg-deg ah ayaa loogu meherin jiray, taasina waxay ahayd mid lagu sharfayo kuwa daacadda ah ee aan wax-ba galabsanin, may ahayn tanni mid mushkilad ku keenta, waa haddiiba uu leeyahay Oori amaba qoysba, gabadhan cusubna in uu mid kale oo danbe la guursan doonana, Boqorkuna arritaasi ogolaansho kumuu xidhi-jirin, manaanu fara-galin jirin, wixii ka baxsan ciqaabta abaal-marinteeda ee la ogol yahay mooyaane, waxaana ka dib furma albaab ka hooseeya boqorka, isla-markaana waxa ka soo baxa nin wadaad ah, hobolo, qoob-kaciyaareed iyo durbaan-tumanaya, si deg-deg ah ayaana la iskugu meheriyaa innantii iyo innankii, waxaana lagu soo dhaweeyaa dhawaaqa dawanka iyo cod-farxadeed, waxa kale oo ay dadkuna ku dhawaaqaan dhawaaq farxadeed, isla-markaas ninkii daacadda ahaana wuxuu gurigiisii u sii kaxeystaa gabadhii cusbayd, oo caruur la sii raaciyeyna ay sii sagootinayaan, iyagoo ubaxyo ku qubaaya raadka-dariiqa uu sii socdo, tanni waxay ka mid ahayd qaabka uu boqorku u fulin jiray cadaaladda, waana sidii qumaneyd ee isaga ula muuqatay cadaaladdu.

Qofka eeday-sanaha ahi wuxuu furan-jiray albaabka uu raalida ku yahay, isagoon garaneyn albaabka gabadha qarsooni ay ku jirto, isla-markaana ogeyn, in daqiiqadaha ku xiga la dili doona ama uu guursan doono.

Boqorku wuxuu siyaabo kala duwan uu u jeclaa Innan uu dhalay oo aad u qurux badnayd, oo haddii dadkoo dhan iyo innantiisaasi ay u noqotana, wuxuu ka doorbidi jiray innantaa uu dhalay, inkastoo ay amiiradaasina ay si qarsoodi ah u jeclayd, wiil dhalin yaro ah, kaasoo lahaa muuqaal- wanaagsan iyo inuu ahaa halyeyada dhulka ee faro ku tiriska ah ee aan ka soo jeedin qoysaska ugu mudan.

Maalin-maalmaha ka mid ah, ayuu boqorku ogaaday in xidhiidh ka dhexeeyo innantiisa iyo wiil la joogi jiray qoyska reer-boqor, ka dibna xabsiga ayuu u taxaabay, haddiiba wiilkaasi la horkeeno, sidii qaalibka ahayd fagaarihii carwada sooyaalka cadaaladda ay ahayd dhacdo muhiim ah oo ugub ahayd, horena loo arkin in qof aan ka tirsanayn qoysaska reer-boqor uu jeclaado, Boqorku wuxuu ku balan qaaday inuu ciqaabtiisa marin doono, xataa haddii uu nasiib u hello albaabka saxda ah.

Mar-kaliyaata ayey dadka indhahoodii halac-sadeen wiilka, dhererka iyo qurux-badan ee aanay ka muuqanin baqdintu, kaasoo u muuqday mid ku rajo-weynaa, inuu la kulmi doono dhawaaqa ogolaanshaha ee dareenka farxada iyo xiisada badani ku duugan yihiin, inkastoo dadka qaar aanay ka war-qabin in ninkan dhalin-yarada ahi uu la noolaa qoyska reer boqor, manaanay ahayn wax-lalayaabo inay amiiradu jeclaato, balse shayga-mushkilada ku ahaa waxay ahayd, maxaad halkaas kugu kalifay inaad ahaato.

Wiil dhallinta ahaa markii uu soo galay garoonkii weynaa ee fagaaraha carwada sooyaalka cadaaladda dadweynuhu isugu iman jireen, wuxuu u soo leexday dhankii boqorku uu fadhiyey, manaanu fila’neynin inuu meesha uu fadhiyo taliyihii-weynaa, waxaanay Indhaha wiilkaasi ay ku jihays-naayeen amiiradda oo dhinaca midigta ka fadhiday Aabaheed, laga bilaabo tan iyo illaa maalintii la go’aansaday in lagu soo oogo jaceylkeeda, laguna gaadhay inay noqon doonto go’aan fagaare, waxay isku qancisay, in aanay wax-dhibaato ah lahayn, laakiinse, ay arrintani noqon doonto dhacdo taariikhiya.

Amiiradu waxay lahayd awood dabiicya oo fur-furan, qof-kasta oo hore u arkinina ay ku abuur-maysay ash-qaraar iyo xiisa badan, sidoo kalena, waxay ogeyd waxa ay noqon doonto gabadhu amaba in ay tahay gabadhaasi mid aad loogaga jecel yahay boqortooyadda.

Inkastoo, haddana ay Amiiradu necbeyd gabadha aamusan ee albaabka ka danbeysa iyo innay sii dhex-marto xariiqda safafka-dhaadheer ee ay wali ku sii yaalaan dhiigagii awoowyaasheedii naxariis darada lagu dilay, haddaba waxaynu halkan ku eegi doonaa qaabkii ay u wada-xidhiidheen Wiilka iyo Amiiradu.

Gacaliyaheedu wuxuu u soo jeedsaday si uu u arko amiiraada, markii ay indhahoodii is qabteena, waxay ulla muuqatay sidii arragtidiisa ahayd, in rajada kaliyaata ee uu guushu ka soo dhismi kartaa ay tahay Amiirada, oo si ruuxiyana ay u dabooli doonto, uguna guulaysan karto, waa hadii ay siiso guushee, ka dib, waxa si kadis ah loo weydiiyey su’aashii ahay, “Waa kee ?

Si adag intuu u soo jeestay, ayuu si deg-deg ah u talaabsaday, intii uu sii socdayna wadnaha kastaaba wuxuu joojiyay garaacii badnaa, sanqadha neeftuna way yaraatay, ill kastaaba waxay ku dheegag-tay wiilkaasi, ka dib, markii uu hor joogsaday mid ka mid ah albaabkii uu raalida ka ahaa, wuxuu jaleecay dhankii Amiirada fadhiday, waxaanay amiiradii markiiba gacanteedii saartay madaxeeda, wiilkiina si deg-deg ah ayuu u cago-duwaday, kana dhaqaaqay albaabkii uu hortaagnaa, waxaanu hor joogsaday albaabkii labaad, ka dibana, waxay amiiradii si deg-deg ah u dhaqaajisay gacanteedii ayey saartay wajigeeda, haddana waxay si qun-yar ah gacanteedii mar-kale u dhaqaajisay dhanka midigta ah, qofna muu dareemin manaanu arag, gacaliyaheeda mooyaane, dhamaan indhaha dadkoo dhaminana waxay ku sii foog-naayeen wiilka fagaarahaasi ku sugnaa.

Haddaba, waxay is weydiintu tahay oo aan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharaf lihi inay ka jawaabaan: Ma Shabeelkiibaa ka soo baxay albaabkii mise Gabadhii?

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
sannadkii 1882 ayuu buug ku qoray sheekaddan Frank Stockton




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *