BREAKING NEWS
Search

Ma Filayo In Maxkamadda Sare Soo Saarayso Go’aan Khilaafsan Kii Guurtida”…Xaaji C. Waraabe

Hargeysa (Foore)- Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe ) ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan go’aanka la filaayo inay maxkamada sare kasoo saarto khilaafka doorashooyinka iyo murankii mado kordhinta waxaanu sheegay inaanu filayn in go’aankii guurtida mid ka duwani ka soo baxo maxkamada dastuuriga ah ,waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay saxaafadda kula hadlayey xarunta Barlamaanka ee magalada Hargaysa waxaanu yidhi
“Arrintu yaanay suuqa ku dhex lulmin Koomishanka waxaan kula talinayaa arrinka dadajiya sida koonfurta (Somalia) yaynaan noqon waxaan waxba ahyn kow yaanay inaga siin sanad iyo lix bilood iyaga noo keenay saddexda xisbi ,afar bilood ayaanu ku darnay dee afar biloodna wax laydunku walbahaariyo dadkana buuq loo galiyo maaha muddo kordhintana madaxwaynaha ,saddexda xisbi ,iyo koomishankaa soo bilaabay anaguna afartaa bilood ayaanu ku darnay qalinkayaga (Go’aanka ) anagaa xaq u leh iyaguna talo soo jeedin bay leeyihiin qalinkayaguna inuu kamuuqdo ayuun baanu ku darnay maxaa dib inoo celinaya yaan dib loo noqon oo waxaan waxba ahayn yaynaan isku seegin ”
Xaaji Cabdi Waraabe oo wax laga waydiiyay hadii maxkamada sare ku raaci waydo go’aankii uu golaha guurtidu ka qaatay muddo kordhintii ay u sameeyeen xukuumada iyo golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Maxkamadu soo saari mayso ayay ila tahay (go’aankayaga go’aan khilaafsan) waayo sharci baanu nahay dastuurkay ku talaa go’aana guurtida leh ee guurtida meesha laga saari maayo dawladuna guurtiday ku fadhidaa ”
Xaaji Cabdi Waraabe ayaa ka hadlay dilalka soo noq noqday ee ku soo badanaya saraakiisha ciidanka iyo askarta laysa dadka shacabka ah waxa uu yidhi “Xukuumadu ninka nin dila askari ha ahaado ama shacab ha ahaadee yaan laga tagin ee haloo dilo ,sidaynu ku dhismaynaa sidaasan ku talinayaa “.
Xaaji Cabdi Waraabe ayaa ka jawaabay dhaliilo maalmihii ugu danbeeyay golaha guurtida uga imanayey axsaabta mucaaridka ah waxaana uu yidhi ” Khalkhalkaanu wadnaa waa maxay goaanka kuligiin waa garanaysaan anagaa leh afar bilood ayaanu kordhinay soo jeedinta saddexda xisbi ,koomishanka ,iyo madaxwaynaha ayaa lahaa dabeecadayadaba maaha (khalkhal galintu)”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xaaji Cabi Kariim.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *