BREAKING NEWS
Search

Ma Dhabbaa In Xilka Laga Qaadayo Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Somaliland Oo Afar Bilood Dalka Dibada Kaga Maqan?

Hargeysa (Foore)- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan ayaa Muddo afar bilood ah dalka dibada kaga maqan isagoo sida la sheegay markii hore fasax gaaban u qaatay sidii uu baasaboor Wadanka Ingiriiska uga soo qaadan lahaa balse markii dambe lasoo wariyay inuu xanuun u jiifsaday cisbitaal dalkaasi ku yaalla.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan ayaa dabayaaqadii sannadkii hore socdaal ugu baxay wadanka Ingiriiska si uu baasaboorka wadankaasi u soo qaato isaga oo markii hore la sheegay in uu haystay Dhukumantiga Socdaalka ee dalkaasi (Travel Document), Caruurtiisuna dalkaasi degan tahay.
Socdaalkii u dambeeyay ee Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo uu ku tagay wadan Ingiriiska ayaa warar aanu helnay sheegayaan inay kulmeen Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaanay sida aanu warka ku helayno ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlaha qaranka, kadib soo laabashadii madaxwaynaha waxa soo baxayay waar aan la xaqiijin oo sheegaya in Madaxweynuhu damacsan yahay xilka qaadis lagu sameeyo Xeer Ilaaliyaha, iyadoo sida la sheegay xil ka qaadista xeer ilaaliyaha ay soo dedejinayso talooyin badan oo Madaxwaynaha kaga yimid dhinaca Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo mudo afar bilood ah Garba Duubnaa maqnaanshiyaha Xeer Ilaaliyaha Guud oo soo laabashadiisa aan lagarayn inta ay qaadanayso.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin arrintan balse illa-wareedyo aanu ka helay xafiiska xeer ilaalinta oo la xidhiidha arintan ayaa sheegaya in si wayn looga hadal hayo xafiiska Xeer Ilaalinta Xil Ka Qaadista Xeer Ilaaliyaha Guud oo muddo afar bilood ah xafiiskiisa dibada kaga maqan iyadoo ay jiraan go’aano badan oo sugayay oo u baahan in si dhakhso ah loo fuliyo.
Waxaa kale oo jirta dood xaga sharciyadda ah oo loo daliishanayo maqnaashiyaha muddo dhaafay ee Xeer Ilaaliyaha Guud.
Inkastoo sida la sheegay masuulkani fasax qaatay hadana waxaa dooda keenay maqnaashiyihiisa oo dheeraaday, iyo xanuun soo ritay intii uu Ingiriiska joogay oo meesha ka saaray in la naawilo soo laabasho dhakhso ah oo uu dalka ku yimaad.
Xeer Ilaaliyaha ayaanay u suurta galin in uu helo Baasaabiirka uu dalbaday ee Ingiriiska oo ahaa ujeedada koowaad ee uu markii hore dalkaasi u tagay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *