Ma Dhabbaa In Shariif Xasanka Soomaaliya Guursaday Gabadh Uu Dhalay Madaxweynaha Puntland?

Muqdisho (Foore)- Xog hoose oo ay heleen qaar ka mid ah warbaahinta Puntland ayaa lagu shaaciyay warar aan ilaa imika xaqiiqadooda si rasmi ah loo soo bandhigin oo hordhac ah oo sheegaya in Shariif Xasanka Soomaaliya guursaday haweenay uu dhalay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Wararkan oo aanu ka soo xiganay shabakad ka hawlgasha Puntland ayaa lagu sheegay in
Guddoomiyihiii hore ee baarlamanka Soomaaliya wakhtigana u taagan doorashada madaxtinimo ee dalkaasi Shariif Xasan Sh. Aadan uu guursaday gabadh uu dhalay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole.
Warkani waxa uu intaasi ku darayaa in magaalada Muqdisho labadii maalmood ee ugu dambeeyey laga hadal hayay guurkan taasi oo hadal haynta ugu wayni ahayd xidhiidha xidid ee dhex maray Shariif Xasan iyo Faroole oo ah laba siyaasi oo dalka Soomaaliya wakhtigan ka caan ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *