Ma Dhabbaa In Musharax Jamaal Cali Xuseen Codsi U Direy Wasiir Xaglo-Toosiye+ Waxa Uu Ka Codsaday Iyo Halka Uu Wasiir Xaglo Wakhtigan Ku Sugan Yahay

Hargeysa(Foore)- Warar hoose oo laga helayo ila xog-ogaala ayaa sheegaya in musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu warad codsi ah u direy wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye”.
Warqada codsiga ah ee Jamaal Cali Xusseen u Direy Wasiir xaglo toosiye ayaa sida naloo sheegay waxa uu Jamaal ka codsay Xaglo-toosiye inuu u u noqodo musharaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga UCID,isla markaana uu buuxiyo badalka booskii uu baneeyey Cabdirashiid Xasan Mataan oo kal hore iska casilay xisbiga haddan ka mid ah xisbiga WADDANi ahna xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI.
Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in musharaxa madaxwayne ku xigeenkiisu noqonayo siyaasi kasoo jeeda gobolada bariga Somaliland.
Xogahan ayaa Ramaasnews u sheegay in Jamaal warqadan ugu direy wasiirka isagoo wakhti xaadirka ku sugan dalka ingiriiska kana mid ah waftiga madaxwaynaha.
Wasiir Xaglo-toosiye ayaa isagu hore iskugu sharaxay jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE,balse taas badalkeeda musharaxa madaxwayne iyo ku xigeenka xisbiga KULMIYE-ba lagu doortay shirwaynihii xisbiga,iyaga oona loo cumaamaday Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “saylici” oo hadda ah madaxwayne ku xigeenka Somaliland,waxaana talaabadaasi kootada loogu xidhay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici inay noqdaan musharaxa madaxwayne iyo ku xigeenka xisbiga KULMIYE ka cadhooday siyaasiyiin badan oo xisbiga ka tirsan ayna ka mid yihiin siyaasiyiinta ku bahoobay garabka isbahaysiga oo ka koobnaa wasiiro,wasiiro ku xigeen iyo agaasimayaal haddana ku biirey xisbiga WADDANI.
Ilaa hadda lama garan karo in wasiir Xaglo Toosiye aqbalay iyo in uu diiday toona codsigaasi uga yimi Jamaal Cali Xuseen ee la sheegay inuu kaga dalbanayo inuu noqdo musharaxa madaxwayne ku xigeenka UCID.
dhaewaan ayay ahayd markii murashaxa madaxweyne ee ee Jamaal Cali Xuseen uu ku dhawaaqay in uu ku igeenka murashaxa xisbiga ee madaxweyninimo uu u xulan doono masuul ka soo jeeda gobolka Sool, maadaama hore uu isaga casilay Cabdirashiid Xasan Mataan oo xisbiga u matali lahaa hanka madaxweyninimo ku xigeen ee doorashada dalka fooda ku soo haysa
Source: Ramaasnews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *