Search

Ma dhabbaa In M/Siilaanyo Ka Dalbaday Madaxweynihii Hore Ee Daahir Rayaale Inuu Soo Xero Galiyo Suldanka Fallaagoobay Ee Reer Awdal?

Hargeysa (Foore) – Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo Xaqiiqo ah ayaa noo iftiimiyay in Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin inuu ka hawlgalo sidii uu u soo maslixi lahaa Suldanka Falaagoobay ee reer Awadal Suldan Wabar oo ay aad iskugu dhaw yihiin,Iskuna jifo ka soo wada jeedaan Daahir Riyaale Kaahin,Waxaana la filayaa inuu soo xero galo Suldaan Wabar oo in mudo ah duurka Ciimado Somaliland la dagaalamayay kula jiray. Codsigaasi Ergaynta ah ayaa la sheegay inuu Daahir Riyaale ka aqablay Madaxweyne Siilaanyo iyadoo la sheegay inuu balan qaaday inuu isku dayi doono inuu Suldaan Wabar ku qanciyo inuu waxa uu tabanayo banka soo dhigo islmarkaana uu iska dhigo hubka,Waxaana la filayaa in Arintaasi odayaynta ah uu dhawaan Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ugu ambabaxo deegaanada Galbeedka Somaliland islamarkaana uu hawshaasi si buuxda ugu kuur gali doono isagoo marka hore dhaq dhaqaaqyo arintaasi ku saabsan ka sii bilaabi doona Magaalada Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal.
Indheer garad ka agdhaw Daahir Rayaale ayaa sheegay inuu xukuumada Siilaanyo ku canaantay sababta ay hore iskugu dayi wayday inay samayso cid iskudayda in Suldan Wabar wadahadal buuxda loogu baaqo,isagoo tilmaamay in siyaasiyiin badan qaarkoodna hadal ay meelahaasi ka tuur tuureen ay sii fogeeyeen arinka Suldaanka. Xukuumadda Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadal wararka arintani ku saabsan oo si weyn loo hadal hayo waxaanay u muuqataa in isku daygani noqon doon mid lagu soo afjaro khilaafkii mudada soo jiitamayay ee u dhexeeyay Suldaan Wabar iyo Xukuumadda Somaliland oo gaadhay in kooxo Suldaan Wabar taabacsani hawlgalo amni daro ah ka fuliyeen Gudaha Caasimada Boorama mudo hada laga joogo dhawr bilood. Lama oga halka uu saldhigan doono iskudaygan Daahir Riyaale ku doonayo inuu ku soo xero galiyo Suldaan Wabar oo ah suldaankiisa qoysnimo ee reerkiisa .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *