Ma dhabbaa In Masuuliyiinta Shirkadda DP-World Ka Dhegga Adaygeen Inay Qaabilaan Warqad Qoraal Ah Oo Madaxtooyadu U Dirtay

Berbera (Foore) – Wararka naga soo gaadhay Xalay Magaalada Berbera ayaa shaaca ka qaaday in Mauuliyiinta Dp-World si cad u diideen Warqad Qoraal ah oo xal loogu raadinayo khilaafka Ragaadiyey Dekeda Magaalada Berbera, waxaanay warqadani kasoo baxday Aqalka Madaxtooyada Somaliland, waxaana lagu socodsiiyey maamuulka shirkada Dp-world ee Magaalada Berbera,waxaana Masuuliyiinta shirkada Dp-World  ganafka ku dhufteen warqadaas  waxaanay  ku doodeen inaan Hargeysa laga maamulin ee Xarunta laga maamuula tahay Magaalada Dubai ,waxaana sida la sheegay warqadaas gaadhsiiyay Berbera  Xubno  kamida  Golaha wasiiradda ee Xukuumadda Siilaanyo kuwaasi oo ku sugnaa Shalay Magaalada Berbera.
Masuuliyiinta Shirkada DP World Ujooga   Dekeda Berbera oo uu badan Rag Ajaaniiba ah  ayaa ka dhega adaygay islamarkaana  Diiday Waraaq iyo amar kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Siilaanyo, waxaana madaxweyne siilaanyo Masuuliyiinta shirkada DP-WORLD ku amray inay Ganacstaada ufasaxaan hawlahooda la xidhiidha isticmaalka dekeda Magaalada Berbera, waxaana warqadan maamulka dekeda berbera gaadhsiiyay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta, Wasiiru dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Sidoo kale Wasiirku Xigeenka Maaliyada  
Warar xogogaal  uu helaayo Wargeyska Foore ayaa Tibaaxay kulan dhex maray xubnaha Golaha wasiiradda iyo masuuliyiinta Shirkada Dp-world taas oo la xidhiidhay warqada kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, balse masuuliyiinta shirkada Dp- world ayaa sheegay inaanu  amarkani Iyaga khuseynin waxaanay wasiiradda ka codsadeen inay la xidhiidhaan Xafiiska shirkada DP-World ee magaalada Dubai si maamulka guud ee shirkada DP- WORLD  Go,aan uga gaadhaan warqadan kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Si kastaaba ha ahaate Warqadan kasoo baxday  Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ee lagu socodsiiyay Shirkada DP World  ayaan si rasmiah uga soo wada bixin Madaxtooyada,waxaanay ka dambeeysay  kadib Markii Doraad Qeylo dhaan kasoo yeedhay ganacsatada isticmaasha dekeda Magaalada Berbera  oo si weyn uga cadhootay cadaadis ganacstada kaga yimid maamulka shirkada Dp- world ee Marsada Berbera maamulkeeda gacanta ku haysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *