BREAKING NEWS
Search

Ma Dhabbaa In Guddoomiyihii Ururka UMADDU Dr.Gaboose Ku Biirayo Xisbiga WADDANI?

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyihii ururka Ummada oo aan ku soo bixin doorashadii Goleyaasha deegaanka Somaliland ee dhacday sannadkii hore, ayaa la filayaa in uu dhawaan ku biiro
xisbiga WADDANI. Warar xog-ogaal ah, ayaa u xaqiijiyey shabakedda wararka ee Somalilandtoday in Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo inta badan taageerayaashiisu ay ku biirayaan xisbiga WADDANI ee uu hogaamiyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, ka dib wada hadalo u socday toddobaadyadan dambe labada dhinac .
Siyaasi codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay shabakadda wararka Somalilandtoday in ay jiraan wada hadalo socdaa.“Wada hadalku waa jiraa , ma hubo , laakiin in ay guddoomiyaha ( Cabdiraxmaan Cirro) kulmeen, waa wax u dhaw in uu xisbiga WADDANI ku biirayo sida aan rumaysanahay”
Xubno siyaasiyiin iyo madax dhaqameedyo isugu jiray, ayaa maalmihii la soo dhaafay, kulamo la yeeshay Dr. Gaboose, inkastoo aan la sheegin najiitada rasmiga ah ee shirarkaasi ka soo baxday, haddana waxa habeenkii xalay soo baxay warar sheegaya in uu ku biirayo xisbiga WADDANI .
Dr. Gaboose waxa uu xalay shirka dhanka Telefoonka uu kala qaybgalay taageerayaashii ku nool dalka dibediisa iyo gudaha, waxaana la iska wareystay xaalada siyaasadeed ee Somaliland wakhtigan ku sugan tahay.
Ururka Ummada ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose hogaaminayay , ayaa ku guuldaraystay in uu ka mid noqda saddexda xisbi Qaran ee hadda jira , waxaana uu kaalinta 4-aad ka galay doorashadii dawladaha hoose ee dhacday bishii November ee sannadkii hore .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *