Search

Loolankii Iyo Ruxankii Musharaxiinta Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye Oo Imika Meel Qudha U Jihaystay Iyo Kooxdii Kootada Doonaysay Oo Hungo Taagan.

“Telefoonada Ugu Badan Iyo Warbixinaha Madaxweynaha Gaadhayay Intii Uu Maqnaa Oo Noqday Xaalada Xisbiga Kulmiye,Iyo Go’aanka Uu Ka Qaatay”.
Hargeysa(Foore) – dhaq dhaqaaqii iyo ruxankii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa Qoodha Xisbiga Kulmiye ee ku loolamaysa Booska Musharaxa Madaxweyne ee Siilaanyo dabadii ayaa imika xaaladoodu meel qudha u jihaysatay waxaana la isla qaatay in lagu kala calaf qaado Codka iyo far taaga Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE marka uu Madaxweyne Siilaanyo iclaamiyo inuu ka tanaasulay doorka dambe,waxaanay arintaasi wal wal iyo walaac ku abuurtay koox dabada ka riixaysay mid ka mid ah musharaxiinta oo doonaysay in Kooto laga dhigo doorkan oo hal qof loo daayo.
Sida warar madax bannaan aanu ku helnay,shirar gooni gooni ah oo ay iskugu yimaadeen lataliyaasha madaxweyne siilaanyo ee dhinaca xaalada Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay in aakhirkii la isla qaatay in Xisbiga jiritaankiisa iyo wada jirkiisu ay ku xidhan tahay hanaanka loo maro qabsoomida Shirka Golaha Dhexe iyo kala saarista musharaxiinta ku loolamaya Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye,Madaxweyne siilaanyo dabadii. Madaxweyne Siilaanyo oo safar wadanka imaaraatka Carabka ku joogay todobaadkan ayaa sida la sheegay war bixinaha iyo telefoonada ugu badan ee soo gaadhayay ay ku saabsanaayeen arimaha la xidhiidhay Loolanka Xisbiga kulmiye waxaanu sida la sheegay Madaxweynuhu cid kasta u balan qaaday in raggaasi marka ay wakhtigooda gaadhu uu ku kala saarayo Codka Golaha dhexe.
Warar kale ayaa sheegaya in koox ka mid ah koox wadata nin ka mid ah Musharaxiinta hankooda Iclaamiyay ee Xisbiga kulmiye oo u ololanayay,iskuna qanciyay in Kooto lagu siiyo Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo dabadii ay hadda faromadhan taagan yihiin islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin inay khilaaf ka dhex abuuraan Xisbiga Kuliye Gudahiisa maadaama oo aanay kalsoon buuran ka haysan Mudanayaasha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Shirarkii u dambeeyay ee ay xalay illaa shalay ay yeeshaan ayaa la sheegay inay isla garteen inay horta Madaxweynaha sugaan,oo ay afkiisa ka xaqiijiyaan iyagoo sida la sheegay dhinaca kalena been abuur iyo borobagaanda aan mustaqbalka Xisbiga u wanaagsanay ka wada Warbaahinta qaarkood.
Musharaxiinta Cabdicasiis Maxamed Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo isku aragti ah islamarkaana ku saaxiibo ah in Golaha dhexe ee Xisbiga lagu kala calaf qaado, midkoodii soo baxana uu ka kale taageero ayaa labadii cisho ee u dambeeyay xaaladoodu degan tahay kadib markii ay arintu isku biyo shubatay in Sidii ay doonayeen xaalada laga yeelo,waxaanu Wasiir Maxamed Biixi isagu ka daba tagay Waftiga Madaxweynaha halka Cabdicasiis Samaale iyo Kijaandhe ay ku mashquulsan yihiin kulamo ay la leeyihiin Xubno ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye. Wararkan ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Siilaanyo marka uu soo noqdo laga sugayo laba arimood midkood,inuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Kulmiye ee Doorkan iyo inuu musharax yahay,intaa kadib waxa bilaami doona hanashada iyo qiime isku eriga Xubnaha Golaha dhexe ee Kulmiye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *