BREAKING NEWS
Search

Layaabka Dunida: Maxaad Ka Taqaan Beerta Ugu Suntan Badan Badan Beeraha Adduunka Iyo Halka Ay Suntaasi Uga Timid?

Taad maqashaaba tii kale ka darane waligaa ma maqashay ama warbaahinta ma ka aragtay beer qurux badan oo dhirta ku taalla aad la yaabayso oo haddana la yidhi waxa loo aqoonsaday beerta ugu suntan badan adduunka iyada oo la xaqiijiyey in geedaha beertaasi ku yaallaa ay u badan yihiin kuwo soo saara walxo ama maadooyin qofka bani aadamka ahi ku somiibi karo haddii uu u dhawaado, taabto ama afka galiyo caleemahoodaba waana mid ka mid ah arrimaha layaabka leh ee dunida ka jira.
Beertani Waa beer qurux badan sida beeraha oo kale balse markaad gudaha usii gasho waxaa ku duugan waxyaabo layaab leh oo aanad rumaysan Karin. Magaceedu waa Alnoyk waxayna ku taalla looguna magac daray isla qalcadda alnoyk ee dalka Britain iyadoo taariikhda meeshani ulaabanayso sannadkii 1750-kii waana beer ay ku yaallaa geedo-gaab, kuwo dhexe iyo kuwo dhaadheer oo dhammaantood ah dhir sun leh.
Beertan ayaa ka kooban in kabadan 100 nooc oo dhirta sunta leh ah sida Sunta Shokran oo ah tii lagu dilay Faylasuufkii caanka ahaa ee Arasto, waxaa kaloo ku yaalla geedka khaaskhaashka oo ah kan laga sameeyo Daawooyinka (Drugs) khatarta ah sida Daroogooyinka xun ee Afyon iyo Cocaen waxayna beertani matalaysaa taariikhda dalka England iyadoo fikraddeedana lagasoo qaatay beertii qoyska Talyaaniga ahi ee Medechi oo ku taali jirtay Italy.
Beerta Gudaheeda waxaa ka shaqeeya koox hagayaal ah kuwaasoo shaqadoodu tahay inay hagaan dadka dalxiisayaasha ah waxaana meel walba ku dhagsan warqado iyo calaamado ay ku qorantahay “Ha Taaban” “Iska Ilaali” iyo tilmaamo lamid ah caruurtana looma ogola inay soo galaan sidoo kalana waxaa meel walba ku xidhan Kamaradaha loo yaqaano CCTV Camera kuwaasi oo ilaalinaya in la xado wax dhirtaas khatarta kamid ah ama lagu sumoobo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *