BREAKING NEWS
Search

Labadii Arin Ee Ugu Horeeyay Ee Xukuumadda Muuse Biixi Soo Saartay Ee La Dagaalanka Sicir Bararka Oo Faashil Noqday Iyo Rajadi Ay Bulshadu Ka Qabtay Oo God Madow Ku Sii Dhacaysa.

“Go’aankii Wasaaraddaha Ganacsiga Iyo Maaliyaddu Dul Dhigeen Kaalmaha Shidaalka Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday Iyo Qiimaha Shidaalka Oo Somaliand Halkii Ugu Saraysay Ka Maraya.

Hargeysa(Foore) – Inkasta oo ay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Afar Bilood Jirsatay Islamarkaana ay Wakhti kooban hada Xilka haysay haddana waxa si weyn isha loogu hayaa hanaanka maamul ee ay wax u socdaan iyo sida ay u fulayaan Go’aamadda hor dhaca ah ee Xukuumiga ah ee ay ku hawlgalayso,Waxaana si weyn loo hadal hayaa faashilka hor dhaca ah ee ay waajahayso Xukuumadda Muuse Biixi iyo Go’aamadii ugu horeeyay ee ay damacday inay Sicir bararka Wax kaga qabato oo hal bacaad lagu lisay Noqday.

February 12, 2018-kii oo maalin Axad ah ku beegnayd ayay shir iskugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Sacad Iidle oo uu wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Daahir iyo Ganacsatada Shidaalka soo dejisa Somaliland iyo waliba kuwa kaalmaha shidaalka ku leh Caasimada Hargeysa,Waxaana kulankaasi lagaga hadlay kor uga kaca Shidaalka dalka,iyadoo ugu dambayn kulankaasi laga soo saaray Qodobo ay isla qaateen Wasiiraddii iyo Ganacsatadii Shidaalka iyadoo Markii uu kulankaasi soo idlaaday uu Warbaahinta u akhriyay Wasiirka Ganacsigu qodobadii heshiiska iyo qiimo xadidan oo la isku afkartay,Waxaana Haddaladii Wasiirka Ka mid ahaa sidan“Maanta Laga Bilaabo Litirka Naaftada Ah Waxaa Lagu Iibin Karaa 7200 Oo Shilin Somaliland Ah, Kor Uma Dhaafi Karto,Litirka Batroolkuna 8200 Oo Shilin Kor Uma Dhaafi Karo”.
Ganacsata shidaalka dalka keenta iyo kuwa kaalmaha miis miiska ah haystaa wax dheg ah jalaq uma siinin go’aankaasi Xukuumiga ah,waxaanu hadalkaasi uu ka dhawaajiyay Wasiirka Ganacsigu ku dambeeyay faashil iyo Hal bacaad lagu lisay,iyadoo ay kaalmaha Shidaalku litrka Naaftada ah ku iibinayaan 7500 halka ay Litre-Ka Batrolka ah ku iibinayaan 8500, qiimeyawgaasi oo aad uga sareeya qiimihii ay Xukuumaddu ku soo rogtay Ganacsatada Shidaalku inay ku iibiyaan Shidaalka. Waxaana muuqata in Wasaaraddihii go’aankaasi soo saaray inaanay ka daba tagin sida uu u hirgalay Go’aankoodii ay wakhtiga galiyeen.
Arinta labaad ayaa ah gudidii uu madaxweynuhu u saaray Sicir Bararka kuwaasi oo ay Bulshadu aad ula fajacsan tahay halka ay ku dambeeyeen iyo waxa uu xalkoodii noqday,waxaanay arimahani noqonayaan kuwo muujiinaya idaal darada Xukuumadda Muuse Biixi iyo sida aanay iyadoo cusub karti ugu lahayn inay fuliso go’aamada hor dhaca ah ee ay bulshadu ku kala ogaanayso awooda maamul ee ay Xukuumadda Cusub u leedahay inay wax dhaqaajiso. Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi Quus ka taagan yahay Wasiiro door ah kuwaasi oo uu kala kulmay awood-daro dhinaca shaqada ah iyo hal abuuris la’aan baahsan oo ka haysata dhinaca Hawlaha Qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *