Search

Laba Xildhibaan Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Tuulada Libaaxley

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Siciid Warsame Gaane iyo Ku Xigeenkiisa Xildhibaan Maxamed Baaruud ayay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen ka dib markii uu gaadhi kula dhacay Tuulada Libaaxley oo ku taala Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Labada xildhibaan ee dhaawacmay ayaa ka mid ahaa wafti dawladeed oo ku hawlanaa hawlo qaran oo ay muddo ugu maqnaayeen gobolada bari ee Somaliland kuwaasi oo wargeyska Foore loo xaqiijiyey in shalay maqribkii loo soo dhaadhicyey dhaawaciidana lagu dabiibayo Cisbitaalka Magaalada Burco.
Wararka aanu ka helayno labadan xildhibaan ayaa sheegaya in shalay maqribkii dhaawacooda la keenay magaalada Burco oo aanay qabin dhaawacyo waaweyn dhaawacooduna fudud yahay.
Waftigan oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Gudida Khayraadka Dabiiciga ah ee aqalka wakiilada Somaliland Md. Siciid Warsame Gaane ayaa waxa ay dulucdeedu ahayd sidii ay ugu soo kuur geli lahaayeen mashaariic kala duwan oo ka socota iyo waliba dad iyo duunyada ku dhaqan deegaamadaasi.
Masuul u hadlay xildhibaanada dhaawacmay ayaa sheegay in aanay dhaawacyo culus qabin labada xildhibaan xaaladooda caafimaadna sugan tahay iyaga oo ka badbaaday shilkaasi baabuur eek u habsaday oo markii hore la moodayay in uu ahaa mid culus balse ilaahay mahaddii labada xildhibaan xaaladoodu wakhtigan sugan tahay.
Sarkaal kale oo aanu xalay kala xidhiidhnay xaaladda labada xildhibaan ayaa noo sheegay in ay wakhtigan ku jiraan daaweyn loogu samaynayo magaalada Burco xaaladooduna aad u fiican tahay oo aanay qabin wax dhib ah oo dheeraad ah marka laga tago dhaawacyo yaryar oo fudud.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *