BREAKING NEWS
Search

Laba Urur siyaasadeed oo daboolka ka qaaday inay isku biireen

Hargeysa (Foore)-labada urur Siyaasadeed ee Jamhuuriga iyo Nuur ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay isku biireen.

Sidaas-na waxay ka sheegeen xaflad ay si wada jira ugu qabteen Hotel Xaraf ee magaalada hargeysa taas oo ay ku cadeeyeen inay ku midaysan yihiin magaca ururka Jamhuuriga halka hogaanka ururkana laga dhigay Gudoomiyihii ururka Nuur.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay Maxamed Odowaa Cigaal oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii Nuur waxa uu xusay inay u muuqatay in Faro badnaanta ururada siyaasadu ay keenayso inay awoodii laga rabay ay meesha ka baxdo waxaaanu munaasibadan ka akhriyey qodobada ay ku heshiiyeen labada urur Siyaasi kaas u dhignaa Sidan:-

Labadan urur waxay ku heshiiyeen oo Aas Aas u ah qodobadan
1. Inay labada urur ay isku yihiin hal urur maanta laga bilaabo.
2. Labada urur waxay ku midoobeen magaca Jamhuuriga
3. Labada ururka waxay ku heshiiyeen in gudoomiyaha ururka uu noqdo Axmed Sandoon Xasan oo hore u ahaa gudoomiyaha ururk Nuur
4. In haykalka cusub ee Maaamul loo wadaago si isku mid ah
5. In la magacaabo gudi farsamo oo labada dhinac ah
6. In wax kasta oo lidi ku ah midawga labada urur uu yahay waxba kama jiraan
Waxa kale oo Mas’uuliyiinta labadan Urur ee is bahaystay soo dhawaynaynaa cid kasta oo doonaysa inay qaado talaabada ay qaadeen labadan urur.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *