BREAKING NEWS
Search

Laba Maxbuus Oo Ka Fakaday Ciidanka Gabiley

Gabiley (Foore) wararka aanu ka helayno gobalka gabiley ayaa waxay sheegayaan in laba maxbuus ay ka baxsadeen askartii waday xili lagu sii wada maxkamada gobalka gabilay.
Labada maxbuus ayaa la sheegayaa in ay ciidanku ay habsan waayeen oo ay ka fakadeen, warark ayaa intaa ku daraya in maayarka gabiley uu bixiyay amar lagu soo qabanayo labada maxbuus ee fakaday iyadoo ciidan ilaa xalay salaadii subax ay gaaf wareegayeen xafadaha ay ka kooban tahay gabiley.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in lagu guulaystay labadii maxbuus qabashadooda, loona dhaadhiciyay jeelka wayn ee gabilay mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino arintaa maamulka gobalka ayaan noo soorta galin.

Wariye Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com
Hargasysa/ Main office




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *