Laba Garaad Oo Shalay Degmada Taleex Ka Tumay Durbaan Colaadeed Dagaalna Iclaamiyay

Taleex (Foore)- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka tirsan madax dhaqameedka beelaha Dhulbahante ayaa shalay si qaawan ugu baaqay dagaal ka dhan ah ciidanka qaranka Somaliland kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Labadan garaad ayaa shalay hadal kooban oo ay saxaafadda ugu tala galeen ka soo saaray degmada Taleex iyaga oo sheegay in shacabka gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle dagaal ka dhan xukuumadda Somaliland ay u diyaar garoobaan.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo warbaahinta la hadlayay waxa uu yidhi: “Waxaanu ka xunnahay sida Somaliland dagaal ugu soo qaaday degmada Buuhoodle. Waxaanu halkan ka sheegaynaa in dagaal ka dhan ah Somaliland loo ditaar garoobo lana galo. Waxaanu doonaynaa in aanu dagaal kal ahor tagno ciidanka Somaliland” Sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa isna waxa hadalkiisii shalay ka mid ahaa: “Walaalayaal waxaanu idiin sheegaynaa in aanu si rasmi ah u iclaaminay dagaal in lala galo ciidanka Somaliland. Dhammaan isimada iyo madaxda dhaqanku waxa ay soo dahwaynayaan dagaal ka dhan ciidankaa Hargeysa ka soo duulay”.

Hadalka labadan Garaad oo ku soo beegmay wakhti ay xaalad colaadeed ka soo daahirtay deegaamadaasi ayaa ah mid gabi ahaanba ugub ku ah hab dhaqanka umadda Soomaalida ee degta geeska Afrika oo aan hore taariikhda loogu arag madax dhaqameed dadkooda ugu baaqa dagaal sokeeye oo aanay cidina faa’iidadeeda heli doonin, iyada oo shacabka dhulkaasi u baahan yihiin xaalad nabad gelyo in ay wax la qaybsadaan walaalahooda reer Somaliland oo ay yihiin kuwo aan sinaba u kala maarmin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *