Laba Caruur Ah Oo Ku Naf Wayaay Dab Qabsaday Guri Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Foore)- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Laba caruur ayaa shalay si aad u naxdin badan ugu naf waayey dab qabsaday gurigooda oo ka samaysnaa aqal soomaali kuna yaalla xaafadda sheekh madar ee degmeda gacan libaax ee magaalada Hargeysa, ubadkaasi oo gabi ahaanba jidhkoodu ku bas-beelay dabkaasi.
Labadan caruur ah oo magacyadoodu kala yihiin Caydaruus Maxamed Iyo C/Rashiid Maxamed isla markaana da’dooda lagu sheegay shan jir iyo saddex jir ayaa dabka gurigooda qabsaday waxa uu sabab u noqday in dhammaanba xubnahoodu six ad dhaaf ah dabkaasi ugu shif beeleen, waxaana markii dabkaasi uu qabsaday ka maqnaa guriga sida ay wararku sheegayaan waalidkii dhalay labadan caruur ah, taas oo aan ilaa hadda la garanayn sababta dhalisay dabkan ay ku geeriyoodeen labadan caruur ahi.
Hooyada dhashay caruurtaasi oo shabakadda Gabileynews kula kulantay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaanay u suurto galin inay shabakaddu wax ka waydiiso sida arrintani u dhacday xaaladda ba’an ee ay hooyadani ku jirtay darteed maadaama ay ubadkeedii yaryaraa si aad u baxdin badan ugu naf waayeen dabkaasi qabsaday gurigeeda.
Mid ka mida dadkii ka ag dhawaa ama jaarka xaafadaasi la ahaa oo shabakaddu wax ka waydiisay sida ay wax u dheceen ayaa xaqiijiy in aanay hooyada caruurta dhashay joogin guriga wakhtigii dabku qabsaday guriga sidoo kale waxa uu noo sheegay in ay caruurtu hurdeen wakhtiga uu dabku qabsaday.
Si kastaba ha ahaatee dabka qabsaday caruurtan ayaan ilaa hadda la garanayn sababta keentay in uu dabkaasi guriga qabsado, iyada oo dalka ay si weyn ugu soo badanayaan gubashada guryaha shacabku degan yahay gaar ahaan jiingadaha iyo guryaha ka samaysan aqal soomaaliga, dalkuna aanu lahayn nidaam dab-damis oo ku filan waxna lagaga qaban karo dhibaatada dabka oo noqotay arrin soo noqnoqota.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *