BREAKING NEWS
Search

La Yaabka Dunida: Waddan Tirada Eyda Laga Dhaqdaa Ka Badan Tahay Tirada Caruurta Dalkaasi Ku Nool

Sida ay Sabtidii Toddobaadkan baahisay Wakaaladda wararka ee Reuters, waddanka Japan ayaa waxa laga diiwaan geliyey dhacdo layaab leh kadib markii la ogaaday in tirada Xayawaanada dad la joogta ah ee la dhaqdaa ay ka bateen oo ka tiro bagteen tirade caruurta waddankaasi.
Warbixin ay soo saartay waaxda daryeelka iyo ilaalinta xayawaanada dad-la-joogta ah ee dadku dhaqdaan dalkaasi Japan waxa ay sheegaysaa in tirada xayawaanadaasi sida Bisadaha iyo Eydu ay ka badan yihiin tirada ubadka dalkaasi Japan taasi oo noqotay tiro-koob layaab leh oo muujinaya sida dadka reer Japan ugu waallan yihiin dhaqashada xayawaanada dab joogta ah ee dadka la nool gaar ahaan Eyda iyo Bisaaska oo ah kuwa loogu dhaqasho badan yahay dalkaasi.
Warbixinta Wakaaladdani daboolka ka qaaday ayaa sheegaysa in tirada xayawaanada laga diiwaan geliyey dalkaasi Japan ay kor u dhaafeen 20 Malyuun oo Xayawaan halka tiro-koobkii ugu dambeeyey ee caruurta dalkaasi ee da’doodu u dhaxayso hal sano illaa 15 sano jir ay dhan tahay 15 Malyuun oo ubad ah sidaana ay shan Malyuun kaga badan yihiin xayawaanku.
Arrimaha layaabka leh ee warbixintani sheegayso waxa ka mid ah in dhaqan ahaan dadka reer Japan aaminsan yihiin oo ay caqiido ahaan u aaminsan yihiin in Eyda iyo xayawaanada kale ee la dhaqdaa ay tahay cibaado ay ugu dhawaanayaan waxyaabaha ay caabudaan. Waxaana dhacda in caruurta da’doodu ka yar tahay 15 jir marka ay Eydooda u kaxaystaan goobaha macaabidda ah ay tahay arrin cibaado ahaan wanaagsan oo ay khayr iyo barako ku helayaan sida ay aaminsan yihiin waxaana guri walba oo dalkaasi Japan ah laga helayaa ugu yaraan laba amah al xayawaan oo Ey ama bisad ah.
Dhinaca dhaqashada waxa ugu badan Eyda waxaana kaalinta labaad ku jira Bisaaska. Eyda oo boqollaal nooc ah oo kala duwan ayaa laga dhaqdaa dalkaasi oo lagu kala iibsadaa iyada oo ay leeyihiin dukaamo u gaar ah oo cuntooyinkooda iibiya iyo sidoo kale dhakhaatiir u gaar ah caafimaadkooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *