kuuriyada Koonfureed

Daraasad milateriga Kuuriyada koonfureed maanta soo bandhigeen,Ayaa daboolka ka qaaday,In % 64 askarta dhimataa ay iyagu gacantooda isku dilaan,shantii sanadood ee u danbaysay,Taas oo noqotay wax laga anfariiro. 

araasad milateriga Kuuriyada koonfureed maanta soo bandhigeen,Ayaa daboolka ka qaaday,In % 64 askarta dhimataa ay iyagu gacantooda isku dilaan,shantii sanadood ee u danbaysay,Taas oo noqotay wax laga anfariiro.

Sidaa waxaa sheegtay wakaalada wararka ee koonfurta Kuuriya “Yonhap” oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaas oo yidhi”Waxaa dhintay 556 askari xiligii ay gudanayeen waajibaad kooda ciidan,Mudadii u dhexeysay sanadkii 2007 ilaa bishii June ee sanadkan 2011 ee aynu ku jirno ama hadii sikale loodhigo 123,5 oo askari,Tirada guud ee dhimatay waxaa kamid ah 358 askari oo iyagu qudha iska jaray marka laysu geeyo tirada guud ee ciidamada ka dhintay mudadaas dalka koonfurta Kuuriya.

sarkaal sare oo ciidamada Konfurta kuuriya ka tirsan,Ayaa sheegay in wasaaradiisu aad ugu hawlantahay sidii ay u joojin lahayd,xadgudubyada af iyo adinba ah ee ka jira gudaha xerooyinka ciidamadooda,Kuwaas oo loo aanaynayo inay yihiin sababta ugu wayn ee ciidamadu u dooranayaan inay nafta gacantooda iskaga jaraan. 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *