BREAKING NEWS
Search

Kusimaha Duqqa Caasimada Hargeisa oo Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Tafaasiil Ka siiyay Mashaariicda ay Fuliyeen

Hargeysa (Foore) – Ku simaha duqa caasmada ahna maayarku xigeenka Hargeysa Md. Maxamed C/laahi Uurcadde, ayaa maanta ka warbixiyay adeegyada ay Dawlada hoose u fuliso dadweynaha iyo waxyaabihii u qabsoomay sanadki la soo dhaafay.

Ku simaha duqa caasimada ayaa warbixin dheer oo la xidhiidha waxqabadkooda ka jeediyay kulan xog waran ah oo ay la yeesheen guddida joogtada ah ee golaha guurtida oo uu hortagay markii ay u yeedheen.

Md. Maxamed C/laahi Uurcadde oo ka hadlayay wax qabadka Dawlada hoose ee sanadkii dhamaaday, isaga oo qiray Md uurcadde in aanay golaha deegaanka Hargaysa aanay fulin wixii ay dadwaynuhu ka filayeen. Waxaanu yidhi “Waxaan jecel lahay in aan ka hadlo waxqabadkii dawladda hoose muddo sanada, waxaad og tihiin haddii aanu nahay golihii deegaanka dadweynuhu wixii uu naga filaayay muu helin. annaguna wixii dawlad hoose ahaan aanu filaynay ugu maanu tegin, waxaana runtii u sabab ah dhaqaale la’aan uun, waad ogtiiinoo dalkeenii wali lama ictiraafin, mudadii aanu joognayd markaanu aragnay siday wax yihiin waxaanu go’aansanay in aanu dadweynaha u bandhigno wixii waxqabada sida ay nagala qayb galaan.
Shanta degmo ee caasimada Hargeysa, waxaanu ka samaynay guddiyo horumarineed shanta degmo, degmo kasta waxa ay u baahan tahay in ay noo keenaan wixii waxqabada annaguna aanu qaybtayada ka qaadano.”

maayarku xigeenka Hargeysa Md. Maxamed C/laahi , isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Siiba wadooyinka, waddooyinka boqolkiiba konton 50% degmo kasta iyadaa bixisa oo dadweynaha ku nool ayaaba bixiya intaa soo hadhana dawladda hoose, ayaa bixisa, taasi waxa ay noo suurtogalisay waxyaabo badan oo anan hore u qaban in aanu immika qabano. waxaad og tihiin, tayadu yay noqon tii Paris ama Maraykanka oo kale oo wadooyin caalamiya oo kale ma dhisna oo dhaqaalaheeniiba yar laakiinse intii itaalkeena innagu filan oo aynu marwalba qabana, waxaanu immika samaynay ilaa dhawr iyo afartan wado ha ahaato mid cusub, kabkab, ama kuwo hore oo dib u dhis lagu sameeyay.

Imiika, Juun oo kale, hadd wadaadan 1500 boqol iyo kontonku maaha wado ay leedahay Juun ama gacan Libaax waa wado wareegaysa, waa wado isku xidha Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax, Juun, Koodbuur, markaa xaggaasi waxaanu ka soo dhamaynay Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe oo ina xaggana waxaanu wadnaa Gacan Libaax iyo badh ah Juun oo saddex jeer baanu immika samaynay 1500 oo saddex qaybood oo tii hore mid waliba tahay 2 km waxaanan imiikana waxanu wadnaa in laba kilomitr daamur lagu shubo wiigan gudiiisa, waana laba haad oo isbarbar socda. Waxaanan laba haad uga dhignay waxaanu ka baqnay oo aanu is nidhi haddii aad haad kaliyaata ka dhigtaan dadka soo geli oo degi.
Markaa laba haad oo kalena waa uu hadheen oo markaa fursad loo helo la sameeyo, taasi waa Juun waxaa imiika iyaduna socota wado iyaduna Jigjigayar martaa oo iska gaysa Koodbuur o aanu doonayno in ay toos ugu dhacdo wadada Gabilay, taasna iyadana imikka wiigan ayaanu ku shubaynaa jaygii iyo daamurkii.
Axmed Dhagax iyaddana meelaha aanu ka samaynay waxa kamid ah sanad oo keliya UNDP ilaa birjeex ilaa biriijka cusub wado loo bixiyay xildhibaan Nacnac wado isku xidha Oktoobar ilaa Star haddii aan usoo noqdo degmada Gacan-Libaax, waad aragteenoo degmada horteeda Gacan Libaax iyo xabaalaha inta u dhaxaysa annaga oo rabna wadada gasha daami in aanu samayno oo aan u baxno ilaa iyo Sh. Sheekh oo markaas dhamaystirnay oo isku xidhkii dhiman yahay tii, iyaduna dhaamka martaa waana samaynay, qoob dameeraad, iyadana waanu samaynay oo aanu dayactirnay.

Degmada Maxamuud Haybe laba wado oo aanu wadnay waxaa naga yara xanibay daamuurkii oo naga kala go’ay markaa shalayto ayuu yimi waxaanu samaynay jameecada oo ah 2 kilimitir waxaanan hadda filaynaa Maxamed Mooge iyadna ay dhaqso u dhamato wadadasi oo toos isugu xidha Libaax iyo Maxamed Mooge, waxa iyadana immika bilaabaynaa wado isku xidha gacan Libaax iyo Maxamed Mooge, si ay magaaladu isugu xidhanto, waxaanu ku talo jirnaa, in aanu samayno wado isku xidha marta Janaraal Daa’uud ilaa io Oktoobar.”

Ku simaha duqa caasmada ahna maayarku xigeenka Hargeysa Md. Maxamed C/laahi Uurcadde, oo ka warbixinayay wadooyinka aan laamiga ahayn ee ay dawlada hoose hirgelisay waxa uu yidhi “Jidcadayaasha oo ah wado 7 km oo ah xaraf aanu iyadana samayna oo toos isagu xidhaysa Hargeysa ilaa Xaraf wadadan dawgo Cad ee ilaa jabuuti tagaysa ee dadweynaheenu kawada qaybgaleen waxaanu ka samaynay marka laga bilaabo Ina Aamin ilaa Bacado intaasi oo la yidhi waa xuduuda Hargeysa inta kalena Daarasalaam, walibana in baanu dhaafinay, iyaddana waxaan filaynaa in aanu ka qayb qaadano wadada Axmed Dhagax ilaa Baligubadle iyo ta Salaxley ah oo iyadana la wado, waxaanan qabaa haddii wadooyinka sidaasi loo wado in wixii dawlada hoose kaga aadan ay midho dhal noqonayaan.”

Ku simaha duqa caasimaddu waxa kale oo uu sheegay in ay dawlad hoose ahaan wax ka qabteen arrimo nadan oo danta guud ah sida MCH-yo, Dhakhaatiir, saldhigyo boolis iyo meelo kale. “danta guud berigii hore waxaanu ugu nimi hal boqol maantase waxaan is leeyahay danguud noocii nalaga doonaba waanagala helayaa hadday tahay dhakhtar (MCH), cid allaale iyo cidii u baahantana waanu siinaa oo wasaaraddo badan ayaanu siinay booliiska, runtii waxaanu diyaar u nahay in cidkasta oo dan ummadeed wada waanu soo dhaweeynaynaa, waxaanu ku guulaysanay in aanu rarno meelo badan oo ay ka mid ahaayeen beerta xorriyada, jajabka, xabaalaha saddexda qaybooda waxaanu dejinay xaafad cusub oo la yidhaahdo Sh. Cumar Yuusuf waxaana aad iyo aad ugu mahad celinaynaa Siciid Sh. Cumar oo ah wiilkiisa bixiyayna.” Ayuu yidhi Md. Maxamed C/laahi.

Sidoo kale maayar ku xigeenku waxa uu sheegay in ay dawlad hoose ahaan ay aad uga qayb qaateen, biyo dhaamiskii, barakacii iyo abaarihii dalka ka dhacay sanadkii tegay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw Axmed, ayaa Golaha deegaanka iyo maamulka Dawlada Hoose Hargeysa uga mahad celiyay warbixinta dheer ee uu ka siiyay waxqabadkooda. Waxaanu sheegay inay dawlada Hoose sanadihii la soo dhaafay aad u dedaashay.
Waxa Maayar Ku xigeenka kulankaasi ku wehelinay Agaasimeyaasha Arrimaha Bulshada, Cashuuraha, Shaqaalaha, madaxa Aqoonsiyada, madaxa xafiiska GIS-ka iyo masuuliyiin kale.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *