Search

Kumuu Ahaa Cali Cabdalla Saalax?- Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedka Madaxweynihii Hore Ee Dalka Yemen Ee Toddobaadkan La Dilay

Sanca, Dec 7, 2017 (Foore)- In Muddo waxa dagaalo lagu hoobtay ka socdaan waddanka Yemen ee aynu dhinaca badda ka jaarka nahay waxaana Maalinimadii Isniintii ee wiiggan dalkaasi lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Cali Cabdalla Saalax kaasi oo ahaa kii xukunka lagaga tuuray kacdoonka shacabka. Waa Kuma Cali Cabdalla Saalax?
Cali Cabdalla Salax waxa uu dhashay 21kii March 1942kii waxana uu ku dhashay tuulada Bait el-Ahmar oo dhanka Koofur Bari ka xigta magaalada caasimada ah ee Sanca.
Cali Cabdalla ayaa ku biirey ciidamada lugta ee dalkiisa sannadku markii uu ahaa 1958-kii,waxaana uu galay Dugsiga lagu tababaro ciidamada 1960-kii saddex sano kadibna waxa uu noqday sarkaal ka mid ah ciidamada dabaabaadka.
Sannadku markii uu ahaa 1962-kii waxa uu qeyb ka ahaa saraakiishii xukunka ka qaaday Boqor Muhammad al-Badr isla markaana waxa uu ka aasaasay wadankii la oran jirey Jamhuuriyada Carabta ee Yemen. Tababaro badan oo dhanka ciidamada ah oo uu qaatay kadib waxa uu Cali Cabdalla Saalax loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Ta’izz.
Hase yeeshee markii la afgambiyay 24kii June 1978kii Madaxweynihii dalka Yemen Ahmed Hussein al-Ghashmi ayaa la afgambiyay waxana uu Cali Cabdalla Salah ka mid noqday guddi loo saaray in ay maamulaan dalkii Yemen ee qeyb ahaan ahaa Waqooyiga Yemen balse 17kii July 1978dii Baarlamaanka Jamhuuriyada Carabta Yemen ayaa u doortay madaxweyne Cali Cabdalle Salax isagoo 36 sano jir ah.
Wadahadalo dheer kadib ayaa labadii Yemen waxa ay ku midoobeen hal wadan waxaana loo doortay Madaxweyne Cali Cabdalle Salax 22 May 1990. Hase yeeshee kacdoonkii bariga dhexe ayaa saameeyay dalka Yemen waxana uu xilka ka degey Cali Cabdalle Salax cadaadis xoog leh kadib 2012kii, waxaana bedelay Madaxweyne ku xigeenkiisii Abd Rabbuh Mansur Hadi.
Cali Cabdalle Salax ayaa waxa uu xulufo la noqday Xuutiyiinta kadib markii dagaalka sokeeye uu ka qarxay dalka Yemen waxaana uu toddobaadkan sheegtay in uu ku biirayo isbahaysiga Sacudi Carabiya taasoo u horseeday in Xuutiyiinta ay aad uga caroodaan kadibna duqeyn lala beegsado gurigiisa halkaa oo uu maanta ku xijaabtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *