Kuma Koobni…….!! W/Q Cumar Seerbiya

Cumar serbiyaXidhiidhka dhexmara aadamaha ayaa ah waxaabaha uu kaga duwan yahay guud ahaan noolayaasha kale, kaas oo qofku markaanu xaalad gooni ah ku jirin ka maarmi karin in uu bulshada uu la noolyahay la sameeyo xidhiidho kala duwan. Dhaq-dhaqaaqa iyo samaynta xidhiidhada ayaa ay dadka u kala badsadaan taas oo ay keeni karto inta uu qofkani daneeyo barashada macaariif cusub “ anigu shakhsi ahaan waxaan xiiseeyaa saddex kala ah barashada qof cusub , dalxiiska meelo badan iyo haasaawaha dumarka “ waa erayo aan ka xusuusto wiil dhallinyaro ahaa oo ay sheeko nagu dhex-martay muddo ka hor magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Diraasad lagu sameeyey shirkadaha isgaadhsiinta ee dunida waxa lagu ogaaday in da’yartu tahay dadka ugu badan ee isticmaala isgaadhsiinta casriga ah oo hormood ka ah xidhiidhka ay dadku waqtigan fariimaha iyo wararka kula qaataan loona daliishaday sababo ay ka mid yihiin awooda iyo tamarta ay dhallintu u leedahay in ay muddo badan xidhiidhsameeyaan oo aad u saraysa iyo niyad ay u hayaan in ay waxbadan ka ogaadaan caalmka kale. Magaalada Hargeysa oo aan intabadan isku dayo in aan u kuur-galo waxna ka ogaado waxyaabaha cusub ee markaas daaran ayaa waxaan odhan karaa waxaa ka mid ah isbedelo ku yimi xadiga qiimaha ku hadalka kaadhadhka loo adeegsado telefanada gacanta(Semi-card) sababna ay u tahay shirkadaha isgaadhsiinta oo dalka ku soo batay iyo kala maroorsi dhanka macaamiisha ah oo ka dhexeeya . Korodhka shirkadahan isgaadhsiinta iyo tar-tanka ka dhexeeya oo bulshada faa’iido badan soo jiiday , waxaana inta ugu badana taabatay dhallinyarada oo iyagu sida aan horeba u soo sheegay ah kuwa ugu badan ee isticmaalka aaladaha isgaadhsiinta telefanka gacantu ha ugu horeeyee . Hoos u dhacan qiimaha loo isticmaalo adeegsiga ku hadalka telefanka yaa waxa uu sidoo kale fursad u noqday isbarasho dhexmarta dad badan oo aan hore in ay hawada kawa hadlaan suuro galnimadeedu aad ugu yarayd . Nimco waliba nusqaan lehe horumarkan iyo Technology-yadan aanu soo sheegnay waxa iyana baal-socota arrin markii aan anigu aan in badan arkay is idhi “ waar malaha waxayba ku fiicnayd oo dhagahana u roonayd markii hore “ ‘ aan idiin hobo tusaaleeyo dhanka aan ka biyo diiday , waxaa la gayaabaa in marka uu qofku ku xisaabtamyey xadiga lacageed ee uu ku hadlaayo xidhiidhada u kala doorbidaayey dhanka muhiimadda , hase ahaatee markii ay badatay muddada uu isticmaali karo ay keentay in uu sameeyo xidhiidho tiro badan ku waas oo dhibteeda iyo dheefteedaba wata , garabyada dhallinyarada ayaa markay daacadnimo hadlayaan waxa ku sheekaystaan erayo ay ka mid yihiin “ waxaan rajaynayaa in aad aniga gooni ii noqon dooto “ Maalin aan fogayn aniga iyo wiil aanu saaxiibo nahay oo fadhina Maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalla magaalada Hargeysa ayaa waxa saaxiibkay talefankiisa ku soo dhacay cod sheegaya in uu jiro qof doonaya in uu la hadlo . saaxiibkay in ta uu shaahii dhigay ayuu bilaabay in muddo la hadlo qofkii khadka ugu jiray hadalkaas oo aanan anigu intiisa badan maqlaynin hase ahaatee aan dareemayey in ay tahay gabadh marxabayn badana ay ka muuqatay , markii uu dhamaystay saaxkiibkay ku hadalkii telefanka ayaa waxaan si kaftan leh ugu idhi ”saaxiib qofkan aad wada hadlayseen waad isku dheeritihiin baan filayaa “ . Saaxiibkay isaga oo madax labada dhica u lulaya waxa uu iigu wajaabay “ kuma koobni” Qalinkii: Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) Email: Omarserbia1@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *