Search

“KULMIYE Khilaafbaa Horumariyey, Dooddii Dhexdiisuu Ku Horumaray, Waxa Ka Liita Kuwa Wada Hadli Waayay Ee Aamusan”..Muuse Biixi

“WADDANI Waxaan Leeyahay Rejadiinii Ahayd KULMIYE Ayaa Kala Yaacaya, Waad Ku Hungowdeen…….” Gudd. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirka golaha dhexe ee Kulmiye si habsami ah u qabsoomayo Salaasada beri ah haddii Alle ogolaado isaga oo sheegay sheegay inaanay jirin wax caqabad ah oo wakhtigan jiraa, qabanqaabada shirkuna sidiisa u socdo oo ay ergooyinka Golaha dhexe isku iman doonaan halkaana lagu dooran doono Musharraxa Madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbiga KULMIYE ee shanta sanadood ee soo socota.
Guddoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE waxa uu shacabka reer Somaliland u sheegay in hawlaha shirka intiisa badani qabsoontay hawlihiisuna si habsami ah u soo socotay qabanqaabadiisu, haddana uu nabad ugu qabsoomi doono, isagoo aan soo hadal qaadin musharaxiinta iyo taageerayaashooda diidan qabsoomida shirkaasi.
Musharrax Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale asxaabta Mucaaradka ah u sheegay inaanay jirin cid ay quuddareeyaan oo uga soo socota Kulmiye, maadaama ay filayeen in taagerayaal ka soo cadhooday Kulmiye u soo aag bedeshaan asxaabta Mucaaradka ah, isagoo carrabaabay xisbiga WADDANI ee ay sida weyn ugu hirdamayaan loolanka siyaasadeed ee dalka.
“Waxaan ogaaday in xisbiyada oo kale oo dhan dadku annaga nagaga kalsooni badan yihiin taasi ayaan ogaaday, sababtu waxa weeyi WADDANI, Waddanigiisii wuu illaaway oo KULMIYE uunbuu ka sheekaynayaa shirkiisa. Waar taayada annaga ayaa dhammaysan doonee bal horta tiina qabsada. Ta KULMIYE waxa maanta noo markhaati furay Cawil oo ah qoraageenaa weyn ee taariikhyahanka ah oo siyaasad aan khilaaf lahayni siyaasad maaha. Waxaan leeyahay KULMIYE khilaafbaa horumariyey, dooddii dhexdiisuu ku horumaray oo wax ku noqday oo waxa ka liita kuwa wada hadli waayay ee aamusan ee isku xisbi ah. Ama qof daba socda oo aan talaba lahayn. Kuwaasi ayaanu ka fiicanahay. Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE wakhtigiisii oo ah Salaasada subaxnimada hore ayuu ka dhacayaa halkii loogu tala galay hawshiisiina waa dhammaystay. Dabcan shir kasta oo intaa le’egi khilaafkiisa waa leeyahay. Khilaafka waannu ogolnahay laakiin waxaan naqanaa sida loo xalliyo. Khilaafkayagu si walaaltinimo ah ayuu ku dhammaanayaa” ayuu yidhi Musharrax Muuse Biixi Cabdi oo kulankaasi ka hadlayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *