BREAKING NEWS
Search

Kulan Lagu Falanqeeyey Qaabkii Loo Fashiliyey Warqaddii Dabar-Goynta Bulshadda S/Land Ee Jenaraal Moorgan Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa (Foore)- Kulan isagu jira afur-wadareed iyo barnaajim lagu xusayey Warqaddi “Sir Culus” (Letter Of Death) ee uu Jeneraal Maxamed Siciid Morgan January 23,1987 u qoray Maxamed Siyaad Barre iyo Axmed Saleebaan Dafle ayaa habeenkii xalay lagu qabtay hoolka shirarka ee daladda SONYO ee magaaladda Hargeysa. Munaasibadan oo ay soo qaban-qaabiyeen dalladda SONYO iyo labada mujaahid ee warqadaasi gacanta ku soo dhigay ee Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) iyo Cabdi Xuseen Ciisa. Warqadan sirta ah ayuu nuxurkeedu ahaa qorshe lagu dabar goynayo dadka isir ahaan ka soo jeeda beelaha dhexe ee Somaliland iyo cidkasta oo loo arko inay taageero siinayso ururkii SNM ayaa waxa munaasibadaasi lagu gorfeeyey sidii warqaddaasi loo ogaaday ee Muqdisho looga helay,sidii Somalia looga soo saaray ee calaamka loogu baahiyey iyo ciddi ka dambaysay fashilaada document-kaasi. Waxa xafladda arimahaasi kaga hadlay Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) oo isagu ahaa ninkii lahaa fikraddi aheyd in warqadaasi laga soo xado aarkiifiyada wasaaradda Daakhiliga ee uu wasiirka ka ahaa xilligaa Axmed Saleebaan Dafle isla markaana halista u galay inuu qalqaaliyo sidii warqadaa dibadda loogu saari lahaa iyo Cabdi Xuseen Ciise oo isagu ahaa ninki u horeeyey ee marki warqaddi laga soo saaray Xamar Jeddah loogu dhiibay iyadoo ninki warqaddani inay jirto soo ogaaday ee intu Jaamac u soo sheegay dabadeed sida qarsoodiga ah uga soo saaray aarkiifiyada wasaaradda Daakhiliga la odhan jiray Axmed Maxamed Tukaale (Barbaraawi). Ugu horrayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) oo ahaa mujaahidkii lahaa fikradii lagu soo xaday warqadaasi, waxaan isagoo arrimahaas ka hadlaya, hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu helnay warqadan anagoo meel fadhina habeen ayaa Xasan Xawaadle iyo Alle ha u naxariistee Cali Tuur ayaa anagoo meel wada fadhina waxa kasoo noqday gobolka Waqooyi wafti loo diray markaasaan ku idhi waar xageed tagaysaa markaasuu yidhi qoladeenii baan u tagayaa, markaasaan ku idhi saw warkan maad sheegteen, markaasuu yidhi haa ka dib ayaan ku idhi ha sheegin warkani waa war khatar ahe, markaasuu yidhi aynu qarsanee warqadaasi ma heli karaynaa, waxaanu isku nidhi waxkasta ha nagu qaadatee waa inaynu warqadaas helnaa, markaasaan idhi nin aanu saaxiib nahay oo ka shaqeeya wasaaradda arrimaha gudaha oo haya qaybta aarkiifiyada ayaa maanta ii yeedhay oo ii sheegay warqadaas oo igu yidhi waar waxan la idinka soo qoray kaalay eega”. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee warfaafinta isla markaana wakhtigan ka mid ah masuuliyiinta sarsare xisbiga Waddani mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale “Warqada la inoo arooriyey way ina aroorisay, ninba meelbay gaysay Ilaahay aroorkaa aroor san ha ka yeelo. Anagu qoladii markaa Diri-dhaba joogtay baanu ahayn, March 1987 waxaanu kaasoo baxnay shirwaynihii 5-aad ee ururkii SNM mar 2-aadkii Axmed la doortay ayey ahayd, xarunta Diridhaba ayey noogu timid warqadaasi iyadoo af-Ingiriisi ah”. Waxa kale oo isaguna ka hadlay Musharaxa Madaxwaynah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen “Somaliland waynu wada leenahay dhamaanteen, Somaliland-na halganbay soo martay , maanta waxa halkaasi ka dhacayana waad arkaysaan oo waxa la inooga baahan yahay in taariikhda wax laga barto oo aynu ka barano waxyaabihii ina soo maray, taariikhduna sideeda maaha wax buugaag uun lagu qoro ama af laga yidhaahdo. Mida kale anagu waa halka Sheekh Aadan Siiro’e waxaanu doonaynaa Somaliland mid ah oo midaysan”. Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray “Warqaladan ay labada mujaahid halkan inoogu soo bandhigeen ee fashilisay qorshihii dabar-goynta Siyaad Barre run ahaantii waxaan u arkaa inay ahayd shimbir uu Ilaahay usoo diray bulshadda reer Somaliland ee aan waxba galabsan ee uu taliskii Siyaad Barre gumaadayey, waxaanan leeyahay labadan mujaahid ee Jaamac Cali iyo Cabdi Xuseen Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo waxwayn baad dadkiina u qabateen oo maanta warqadaa midhaheedii waa kuwaa idiin muuqda. Mida kale sirta kale ee federaalka ee uu website-ka siraha dawladaha aduunyada faafiyaa uu ka qoray Somaliland waxaan u arkaa inuu shirmbir isna u yahay oo uu Somaliland badbaadiyey”. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Mujaahid Cabdi Xuseen Ciise oo isaguna ah mujaahidkii 2-aad ee ay wada heleen warqadaasi dabargoynta isaga iyo mujaahid Jaamac Cali, waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Sheekh Aadan Siiro, Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Guddoomiyaha daladda heer qaran ee SONYO, wasiirka Dib u dajinta iyo aqoonyahano kale, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday kaalinta ay warqadani ka qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey, isla markaana madashaasi dhamaantood ka qiray inay kaalin aan la qarinkarin ay warqadaasi sirta ahi ku lahayd halgankaas.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *