Kulan Casho Sharaf Loogu Sameeyay Qurbajoogga Somaliland ee Dalalka Scandinavian-ka Hotel Crown, Hargeisa

Hargeysa(Foore News). Waxa lagu qabtay  caawa (Xalay) kulan casho sharaf ah oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen shirkadda Telesom, Horn Cable TV iyo Wakaaladda Qurba-joogga JSL oo lagu qabtay Hotel Crown kaasoo ay ka soo qaybgaleen xubno badan oo Qurbajoogga Somaliland ee dalalka la isku yidhaaho Scandinavian ka ee Norway, Sweden,  Denmark, Finland iyo Island. Ujeedada kulankaasi waxay qayb ka ahayd dadaalka loogu jiro dhirrigelinta qurbajoogga JSL ee maalgelinta dalka JSL. Sidoo kale, wuxu kulankani daba joogay safarkii dhwaa ee Madaxweyne-ku-xigeenka JSl Mudane Cabdi-raxmaan Ibraahim Ismaaciil (Saylaci) uu ku tagay dalka Sweden, isla markaana uu la shiray aqoonyahanka iyo gudiyada Jaalliyadaha Somaliland ee dalkaas qaarkood.

 

Waxa ugu horayn madasha ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSl Mudane  Maxamuud Cabdi-raxmaan Cali oo si kooban uga hadlay hawlaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha iyo qorshayaasha ku aadan dhiirrigelinta doorka Qurbajoogga Somaliland ee horumarinta dalka guud ahaan, waxana ka mid aha hadallada Guddoomiyaha,“Sidii loo Heli Lahaa Isku Xidhkiina jaaliyahadda somaaliland  waxaanu  samaynaya mareegta  websitka www.Somaalilaand disapora . org databasekii oo isaga aan  ugu talo gallay  dadkiina  qurbaha joogaa qaybtii ay ka qaadan lahaayeen horumarka dalka  iyagoo aan dalka gudihiisaba iman sidii ay isaga diwaangelin lahaayeen oo khibradoodiyo maskaxdoodiyo i aqoontoodaba  u midayn lahaayeen kii odhan lahaa seddex bilood baan ku caawinayaa, ii odhan lahaa bil baan ku caawinayaa, isku dhaafsan lahaayeen aaradooda. Waxannu qabannay shirkii weynaa ee qurbajoogga oo aan ka xumahay dad badan oo halkan joogaa inaanay ka soo qaybgelin 17-18 July iyadoo ramadaantu dabada nagaga jirtay iyo iyadoo aan aniga oo laftaydu markaa qabanqaabada  shirkaa lafteeda ku cusbaa dad badan oo joogaa waxay yidhaaheen maxaa nalooga soo qaybgelinj waayay. Runtiina waxan moodaa maalmihii aannu qabanaynay kadib  inay dad badan oo qurbajoog yimaadeen, haseyeeshee waxan u diyaar garoobi doonnaa sannadka soo socda in innagoo midaysan si isku mida u wada qabandoonno.  

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxu yidhi “Waxa kale oo aan bilawnay sidii Xasan Wadaadyare ka dhawaajiyay laba qaybood ayaannu ugu talo gallay arrinta maalgashiga dalka ee Qurbajoogga qaybi waa qaybtii aynu lahayn one dollar qaybtaa one dollar ka annagoo jeclaysanay inay noqoto horta marka ugu horraysa sharciyadeedii iyo nidaamkeedii, sidii ay  transparent u noqon lahayd, gudidii wadi lahayd inaanu samayno iyo mashaariicdii lagu salayn lahaa waayo waxa la yidhaahaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waa  dhaqaalaha   aan ku milmayn dakhliga dawladda laakiin loogu talo galayo purely horumarka dalka haddii ilaahay ka dhigo. Waxa noo qorshaysan  illaa bisha sagaalaad kowdeeda inaanu dhamaystirro  waanuna idiin soo gudbin doonnaa si aad noogala qaybqaadataan isagoon dhamaystirnayn waxannu jeclaanay inaanaan soo gudbin.

 

Waxa uu guddoomiyuhu ka sii hadlay sida loogu baahanyahay inay qurbajooggu dalkooda ku soo noqdaan oo ay maalgashadaan fursadaha ka jira  iyo waxsoosaarka warshadaha loo baahanyahay, isla markana kaabayaasha adeegga bulshada ee immika dhiman ay iyagu horumariyaan taasoo uu Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyaduhu ka shaqaynayo inay hirgasho.

Dhinaca kale waxa ka hadlay xafladda Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Norway Mudane Xuseen Wadaadyare waxana hadalladiisii ka mid ahaa, “

“Waxan u naqayaa shirkadda Telesom, Horn Cable TV iyo dadkii fikirka lahaa.  Waxa weeye maanta, xafladdani waa bilaw waxa weeyaan Nordin Somaliland Community. Run ahaantii, waa fikir  bilaabmay halkan ka bilaabmay oon hore u jirin waxan filayaa inuu kaasi socon doono baalashii Scandinavian ku ama Nordin ku ay ku duulayeen ee wadamada aannu joogno sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland iyo Island inaanu noqonno wakiilladoodii, mashaariic badan oo horumar ah wadankan ka samayno. Run ahaantii qurbajoogga anigu waxan odhanayaa wixii kolba la qaban karo ayaa labtaa, yaanse la odhan waddooyin ma jiraan, xashiisbaa buuxa wnaaxa muhiim ah, fikirbaynu keennay Madaxweyne-xigeenku markuu innala joogay aynu dawladda usoo gudbinnay, fikirkaasi wuxu ahaa in xawaaladda markaynu dirayno one percent, waxan qabaa Guddoomiyaha hay’adda Qurbajooggu wuu fadhiyaa inay u samayn doonaan weelkii ay lacagtaasi ku dhici lahayd iyo transparent kii in la arko wixii lagu qabtay oo cad taasi waxay dhaxalsiinaysaa in waxbadan aynu ku qabanno.  

Sidoo kale, waxa kulankaas ka hadlay  masuuliyiin ka socotay shirkadaha Telesom iyo Horn Cable TV Guddoomiyaha ururka ODHA ee Faadumo Siciid Ibraahim iyo xubno ka mid ahaa dadka qurbajoogga ah ee xafladda lagu martiqaaday.

 

Xasan Faarax Qamaan

Tel: 4115450/9181064

Email:  qamaan1982@gmail.com

Foore Newspaper, Hargeisa, Somaliland 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *