Kulamadii Wasiir Duur Ee Saylac Oo Aan Natiijo Keenin Iyo Beeshii Tabashada Qabtay Oo Saluug Ka Muujisay Sida Wax U Socdaan

Saylac (Foore)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wax-garadkii beesha Ciise ee ka arrinsanayay khilaafka cakiran ee ka taagan degmada Saylac ayaan wali wax xal ah oo kama dambays ah isla gaadhin waxaanay kulamadoodii ugu dambeeyey ku dhammaadeen xaal is waraysi aanay wax go’aamo ahi ka soo bixin, taasi oo dhinaca tabashada qabay ilaa imika saluugsan yahay.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Duur waxa uu shalay kulamo albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay beesha kale ee Samaroon isaga oo darraad ilaa xalayna kulamo is daba joog ah la lahaa odayaasha beesha Ciise, ilaa imikana aanay kulamadaasi ka soo bixin xal kama damabays ah oo soo afjaraya khilaafka ka dhashay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28-kii November 2012. Warar xog-ogaal ah oo aanu kulamadaasi ka helay waxa ay sheegayaan in odayaasha beesha Ciise doodooda iyo waxa ay tabanayaan farta ka saareen wasiirka oo inta badan isagu ahaa mid xog waraysi ay u badan tahay arrintiisu. Wararka kulamadaasi la xidhiidhaa waxa ay intaasi ku darayaan in wasiirku aanu odayaasha Ciise wax go’aan ah oo ku saabsan arrinta degmadaasi ka taagan u gudbin balse uu u sheegay in uu joogayo ilaa inta ay codsadaan in uu joogo balse cid dambe oo arrintan xalkeeda u imanaysaa jirin waxaase arrintaasi ka biyo diiday Odayaasha beesha Ciise oo wasiirka ka filayay in uu go’aan ka gaadho arrintii ay u so gudbiyeen.
“Ilaa imika wasiirku wax go’aan ah nooma sheegin iyo tallaabada ay qaadi doonto dawladdu. Waxa uu noo muujiyay dareen wanaagsan iyo in hab walaalnimo wax walba lagu xallin doono balse marnaba maanu arag wax cusub oo aanu ku hello jawaab rasmi ah oo jawaab u noqota dooddii aanu dhiibanay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha beesha Ciise oo aanu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay isaga oo Saylac ku sugan.
Wararka kulamada wasiirka la xidhiidha ee aanu deegaankaasi ka helaynaa waxa ay intaasi ku darayaan in kulankii darraad wasiirka daakhiligu la yeeshey odayaasha beesha Ciise in lagu tusay wasiirka sanaaduuq ay odayaashani ku sheegeen in ay yihiin kuwo wakhtigii doorashada la qariyey oo deegaanadii loogu tala galay aan la gaadhsiin, laguna codayn oo sidoodii waraaqihii codayntu ugu jiraan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankii wasiirku shalay la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beesha Samaroon iyada oo aan la ogayn go’aanka ay xukuumaddu ka qaadan doonto arrintan maadaama ay labada dhinac ee khilaafkani u dhaxeeyo dhagaysteen oo ay waliba u kuur-galeen xaaladaha deegaankaasi ka taagan. Dhinaca kale wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ahaa waftigii tacsida u tagay daka Jabuuti geeridii guddoomiyaha baanka dhexe ee Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaadhaan degmada Saylac, kuna biiraan waftiga wasiirka daakhiliga ee halkaasi ku sugan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *