Ku Simaha Wasiirka Warfaafinta Oo Shaqadii Ka Joojiyay Sarkaal Maxkamada Hargeysa Sii Daysay

Hargeysa (Foorenews)- Ku simaha Wasiirka warfaafinta ahna Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md. C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa shalay soo saaray qoraal uu ku amrayo inaanu xarunta wasaaraddaasi soo geliyay Agaasimaha maamulka xisaabaadka lacagta ee TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud, oo bishii hore ay sii daysay maxkamadda Gobolka Hargeysa markii Hanti-dhawraha guud awoodi waayay inay soo cadeeyaan eedaymo musuqmaasuq oo ay muddo afar maalmood ah uu u xidhnaa sarkaalkani.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu shalay soo saaray oo maanta ku soo baxay qaar ka mid ah wargeysyada dalka, waxaanu qoraalkaasi oo lagu socod siiyay Taliyaha ciidanka ilaalada xarunta wasaarada warfaafintu uu u dhignaa sidan:-

Ujeedo: ka joojin soo gelitaanka Warfaafinta

Taliye, waxaan halkan kugula socodsiinayaa in aanu xerada wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta soo geli karin Xasan Maxamed Maxamud oo ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka balse inta baadhista Hanti dhawrku ay socoto laga joojiyay shaqada uu ka hayay wasaaradda, isla markaana ay codsadeen hanti dhawrku in aanu soo shaqo tegin.

sidaasi darteed, anagoo tixgelinayna shaqada madaxa banaan ee Hanti-dhawrka Dawladda, waxaan ku farayaa in shaqaalahaasi aanu soo geli karin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ilaa amar danbe laga soo saarayo arrintiisa.”

Shaqo ka joojintan ayaa ku soo beegantay xili uu Wasiirka warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale (Boobe) uu ku maqan yahay socdaal dalka dibadiisa ah oo uu ku tagay dalalka koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

Wasiirku waxa maalin ka hor intii aanu dalka ka dhoofin uu kulan turxaan bixin ah la yeeshay dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda, waxaana la sheegay in la soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay wasaaradda dhexdeeda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *