Search

Ku Simaha Duqa Caasimadda Oo Baaqyo U Kala Diray Shirkadaha Laydhka Iyo Sharaa’iga Khashinka

Hargeysa (Foore)- Ku simaha duqa caasimadda ahna Maayar Ku xigeenka Hargeysa C/Casiis Cago-weyne, ayaa ugu baaqay shirkadaha qandaaska ku haysta khashin ururinta xaafaduhu inay dedaal weyn u galaan xakamaynta khashinka xiligan oo roobkii gu’gu ka curtay dalka

Maayar Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu u soo jeedinayaa shirkadaha xashiishka ka qaada xaafadaha Hargeysa inay in muujiyaan dedaal faro badan oo ay ,kule tacaalayaan qashinka , magaaladda mar walba, khaasatan xili roobaadka.”

Ku simaha duqa Hargeysa waxa uu digniin u diray shirkadaha laydhka u shida magaaladda oo uu u soo jeediyay inay dadweynaha ka basriyaan xadhkahooda, waxaanu yidhi “Waxaan maanta doonayaa, inaan halkan fariin uga diro qolooyinka shirkadaha laydhka ee magaaalada Hargeysa , runtii inkasta oo si aad iyo aad u nidaam xun ay dusha u maraan iskuna dhex yaacsan yihiin hadana. waxaan leeyahay inta xal loo helayo, waa inaad bulshada ka ilaalisaan , waayo markasta xadhkaha dabku waxay galaaftaan nolasha dad badan markaa xili roobaadkana way ka sii xag jiraan oo biyaha ayay u raacayaan markaa ha ka taxdiraan.”

Maayar Ku xigeenku wuxuu intaasi ku ladhay “Sidoo kale waxaan leeyahay bulshad ku dhaqan caasimad Hargeysa Walaaleyaal, aan ka wada shaqayno ilaalinta Nadaafada iyo bilicda caasimada Hargesa, waxaynu galaynaa xili roobaad markaa waxaan idiinku baaqayaa inaydaan qashinka ku shubin biyo mareenada wadooyinka hoos mara. waa inaad aydaan xaafadaha hortood ku shubin xashiiska.”

Wariye Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *