BREAKING NEWS
Search

Kooxo Budhcad Ah Oo La Baxsaday Gaadhigii Gaarka Ahaa Ee Horjooge Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle Sept 23, 2017- (Foore)- Gaadhigii gaarka ahaa ee Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in koox budhcad ahi ay la baxsadeen wakhti uu masuulkaasi ku sugnaa Magaalada Buuhoodle oo fadhigiisu yahay.
Warar shalay lagu baahiyey baraha Internetka ee Online-ka ah ayaa sheegaya in magaalada Buuhoodle ee habeen hore saqdii dhexe dabley hubaysani ay weerar kusoo qaadeen hudheelka uu magaaladaasi Buuhoodle ka dagan yahay Guddoomiyaha kooxda Khaatumo Mudane Dr. Cali Khaliif Galaydh oo mudooyinkii u danbeeyey saldhig u ahaa.
Wararkaasi waxa ay sheegayaan in dableydani ay xalay xoog ku galeen hudheelka uu daggan yahay Cali Khaliif Galaydh iyaga oo jabiyay albaabka wayn ee laga galo Hudheelka, waxaana ay la baxeen oo ay dhaceen gaadhigii gaarka ahaa ee Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ahaa nooca yaaqaano loo yaqaano VX ama Calaawiga.
Waxaana ay dableydani habeen hore xilli danbe weerarka kusoo qaaday ay ahaayeen sida wararkaasi sheegayaan ciidan iyagu laba jeer oo horeba rabasho ka hor sameeyey hudheelkaasi, kuwaas oo ka cabanaya mushahar la’aan.
Gaadhigii Guddoomiyaha Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galaydh ayaa ilaa hadda la la’ yahay meel ay geeyeen ama la tageen dableydaasi habeen hore dhacday iyada oo aan la ogayn meel ay la tageen iyo halka ay ku sugan yihiin toona.
Weerarkaasi habeen hore lagu bartilmaameedsaday Gaadhiga gaarka ah ee Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in uu ka dambeeyey kadib markii dorraad guddiga wada hadalada u qaabilsan kooxda Khaatumo ay ku shireen hudheelka isla markaana ay kaga wada hadleen arrimo khuseeya wada hadalada u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland iyo shir la filayo inuu ka dhaco magaalada Burco dhawaan taasi oo koxdani ka soo hor jeeddi.
Magaalada Buuhoodle ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa dhawr jeer ka dhacay shaqaaqooyin kala duwan oo la xidhiidha khilaafyo wajiyo badan leh oo u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo dadweynaha deegaankaasi kuwaasi oo ugu yaraan afar qaybood u kala fadhiya oo kala ah kooxo taageersan maamulka Muqdisho, kuwo taageersan Maamulka Garoowe, kuwo la shaqaynaya Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwo khaatumo aaminsan oo aan meelna itijaahoodu ku xidhnayn, taasina keentay in dhawr jeer shaqaaqo gacan ka hadal ahi kooxo maleeshiyaad ah ku dhex maraan degmada Buuhoodle.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *