BREAKING NEWS
Search

Kooxo Ey Ah Oo Qaba Xanuunka Raabiyada Ayaa Dad Ku Cunay Qaar Kamid Ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho Iyo Walaacaa Soo Food Saaray Dadka Intiisa kale.

Muqdisho (Foore)- Eeyo sida la sheegy iney qaba cudurka raabiyada ayaa habeenkii xalay ku weeraray degmada Xamar jajab caruur iyo dad wey, iyadoo laga deyrinayo xaalada caafimaad ee dadka ay qaniineen aydani.

Ilaa 7-ruux oo sida la xaqiijiyay ay ku jirto haweeney uur leh ayaa aydani si xun u dhaawaceen, waxaana dadka qaar la sheegay in aanay wali helin wax daawo ah.

qof dumar ah oo lagu magacaabo Faadumo oo uur leh ayaa sheegtay in xalay gurigeeda oo ku yaala Xamar jajab ay aydani ugu soo galeen, dabadeedna ay isku dayday in aay caruurteeda ka celiso, waxaana ugu dambeyn eeyuhu ka qaniineen lugta bidix.

dhanka kale wiil dhalinyaro ah ayay isla eeyahan ku weerareen meel u dhow gurigiisa, waxaana ay ka qaniineensida la sheegay garabka.
Eydan raabiyeysan ayaa isla xalay waxay weerareen oday ka mid ah dadka deegaanka, oo ay si xun u dhaawaceen, waxaana eeyahan ay ahaayeen kuwo raxan u socday.

Qaar ka mid ah dadka eeyaha uu dhaawacay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jira caruur, iyadoo habeen ka hor uu degmada Waabari sidan oo kale eeyuhu ay dad fara ku tiris ah ku dhaawaceen.

Eeyahan raabiyada qaba ayaa wali ku sugan xaafadaha Xamar Jajab, waxaana dadka deegaanka ay ka anfariireen ay dan xanuunka qabta sidii loo la tacaali lahaa, iyadoo ilaa hadda aan waxba laga qaban aydan.

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *