BREAKING NEWS
Search

Kooxo Al Shabaab Ka Tirsan Oo Lagu Qabtay Dalka Ithopia

Adis-Ababa (Foore)- Ciidamada Ammaanka Ithopia ayaa Gacanta ku dhigay 4 qof oo lala Xiriirinayo in ay yihiin Al Qaacido ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sida Laga Soo xigtay Hey’adda Ammaanka Qaranka, dadka Laqabtay ayaa waxaa Jimcihii Laga soo qabtay Magaalada Mooyaale ee xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ithopia.

Dadka la qabtay ayaa waxaa Lagu tuhmayaa in ay Maleegayeen weeraro iyo Afduubyo ay ka geestaan Gobolka Ismaamulka Soomaalida Ithopia.

Ithopia ayaa aad uga Fiijigan Weeraro Al Shabaab ay Ka geystaan Dalkeeda Maadaama Al Shabaab ay dhowr Jeer ku Hanjabeen in ay weeraro ka geysan doonaan Gudaha Dalkaasi Ithopia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *