Kooxda Khaatumo Oo Bilawday Borabagaando Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Mabda’a Nabadgelyada Ku Dhisan

Laascaanood (Foore)- Kooxda Nabad diidka ah ee Khaatumo ayaa muddooyinkan dambe oo dhan waxa ay baltilmaameed ka dhigteen haweenka iyo dhallinyarada gobolka Sool iyaga oo si weyn isugu hawlaya tashwiish iyo nacab ay ku beerayaan labadan qaybood oo ka mid ah cududa bulshada, nacaynkaasi oo ka dhan ah Somaliland iyo hir dadaalada hir gelinta mabda’a nabadgelyo.
Dadaalada kooxda Khaatumo ee arrimahan la xidhiidha ayaa laga dheehanayay muddooyinkii dambe qaar ka mid ah warbaahinta af-soomaaliga ku baxda iyaga oo ku wacyi gelinaya in aanay aqbalin nabadda iyo dadaalka loogu jiro sidii maamulka Somaliland uga hana qaadi lahaa dhammaanba gobolkaasi.
Kooxda nabad diidka ah ee khaatumo ayaa bilaabay in ay si gaar ah u bar tilmaameedsadaan haweenka iyo dhallinyarada si ay uga dhaadhiciyaan mabaadiidooda khaldan ee nabad-diidnimo iyaga oo hayb qabiil wax ugu sheegaya una tusaya in maamulka gobolka ka hawl gala ee Somaliland aanu ahayn mid dantooda wada ee u adeegaya wax ay ku sheegeen cid aan dantooda wadin. Telefishanada Afsoomaaliga ku hadla qaar ka mid ah iyo mareegaha Internetka ayaa abaabulkani ka soconayay todobaadadii ugu dambeeyey waxaana arrintaasi si toos ah u xidhiidhinayay kooxo dibadda iyo gudahaba ku sugan oo ka mid ah kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo. Abaabulkan borobagaandada ah ayaa ah mid kicin ah oo haweenka gobolka Sool ay ugu baaqeen in ay mudaharaadyo sameeyaan kana dhiidhiyaan maamulka gobolka Sool ee Somaliland si ay bulshada caalamka u tusaan in aan Somaliland laga taageersanayn goboladaasi. Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland oo maanta heshay idaacad dalka oo dhan wada gaadha waxa la gudboon in ay ka hor tagto dagaalada noocan oo kale ah oo noqonaya tab cusub oo cadawgu adeegsanayo umadda Somaliland-na ku kala qaybinayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *