BREAKING NEWS
Search

Koox Ugaadhsato Carbeed Ah Oo Faro Baas Ku Haysa Duur-Joogta Deegaamada U Dhaw Bullaxaar Iyo Masuuliyiinta Amarkooga Bixiyey

Bullaxaar (Foore)- Koox Ugaadhsato ah oo dhalashadoodu tahay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay faro baas ku hayaan duur-joogta deegaamada u dhaw degmada Bullaxaar ee woqooyiga Hargeysa. Ugaadhsatadan carbeed ayaa lagu arkay Degmada Bulaxaar sida dadka degan Degmadaasi oo nala soo xidhiidhay ay noo xaqiijiyeen. Waxa uu warkani intaasi ku darayaa in kooxdan ugaadhsatada ah oo ogolaansho ka haysata masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo waaxda dalxiiska ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiisku ay dhawaan halkan ka soo dageen iyaga oo deegaankaasi ku yimid markab gaar ah oo wali u taagan xeebta Bullaxaar.
Dadka degen deegaanka Bulaxaar ayaa sheegaya in ugaadhsatadani sitaan qalab casri ah oo loogu talo galay ugaadhsiga sida gaadiid iyo walxo casri ah oo u sahalaya in ay soo dabtaan hadba nooca ugaadha ah ee ay doonaan.
Warka aanu deegaankaasi ka helaynaa waxa uu tibaaxayaa in badhasaabka gobolka Saaxil Md. Cali Maxamed Cilmi isagu lahaa amarka ay kooxdani ku yimaadeen deegaankaasi sidoo kale ay la ogtahay waaxda dalxiiska ee dhawaan la soo geeyey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruhu.
Kooxda Carbeed ee Ugaadhsatada ah ayaa ka kooban 7 xubnood oo dhammaantood dhalashadoodu tahay wadanka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta. Si hadaba aan warar kale oo dheeraad ah uga hello arrintan ayaanu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay guddoomiyaha degmada Bullaxaar Md. Maxamuud Qawdhan, oo noo xaqiijiyey in kooxdaaasi joogaan balse uu isugu ku sheegay koox dalxiisayaal ah oo deegaankaasi dhawaan soo gaadhay isaga oo guddoomiyuhu sheegay in Badhasaabka gobolka Saaxil keenay deegaanka.
Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Way Jirtaa arrintaasi waxaana meel Bullaxaar u dhaw soo dagay koox rag ah oo tiradoodu dhan tahay 7 xubnood una dhashay wadanka Imaaraadka Carabta. Kooxdani waa rag dalxiisayaal ah oo dhawr maalmood meesha joogay. Waxa ay dadka deegaanka ka caawin doonaan ceelal biyood oo ay u qodi doonaan waxna ka dayac tiri doonaan”. Guddoomiyaha oo aanu wax ka waydiinay in ay kooxdani ugaadhsato yihiin iyo in kale ayaa sheegay in ay dalxiisayaal yihiin balse ay jiraan ugaadh ay doonayaan in ay cunaan waxaana igu maqaalo ah in ay noocyo shimbiraha ka mid ah doonayaan in ay dabtaan waxaanan maqlay in ay shalay qabsadeen oo ay dabteen xabbad shimbirka Salamadhlaha loo yaqaano ah. Mase ka war hayo wax kale oo ay dabteen”.
Waxa isa soo taraya xaalufka ba’an ee deeganka Somaliland lagu hayo iyada oo muddooyinkii dambe oo dhan xeebaha galbeed ee Somaliland laga oo sheegayay warar ku saabsan ugaadh xad dhaaf ah oo si qarsoodi ah loogu dhoof iyo dalalka carabta ilaa imikana ma jiraan tallaabooyin adag oo xukuumaddu ku mamnuucayso ama ay wax kaga qabanayso ugaadhsiga sharci darrada ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *