Search

“Komishankani Waa Kii Ugu Ayaanka Darnaa, Sababtu Waa Awooddii Madax-weynaha Ayaa Innaga Maqan, Waad Ogaydeen Daahir Rayaale Markii Xisbigiisu Diiday Intuu Istaagay Oo Yidhi Waa La Innaga Helay Waynu Aqbalaynaa Marka Power-Kii Maqan Yahay Waa Dhib, Waar Umadda Yaan La Kala Kaxayn”…..Sheekh Aadan Siiro

“Umaddu Waxa Ay Tabaysaa Madaxweyne Taladu Gacanta Ugu Jirto Oo Go’aan Qaata, Kuwa Sharka U Ololaynaya Dhinaca Ay Doonaan Ha Joogaane Ha La Iska Qabto, Umaddani Waa Walaalo Oo Ma Kala Tagayso Ee Komishanku Xisbiyada Ha Qanciyo”….

“Maanta Hargeysa Waa La Wada Degan Yahay, Ninka Ku Fikiraya Cid Gaaraa Wax Heli Doonta Iyada Oo Ay Umaddu
Mid Tahay Waa Wax Aan Macquul Ahayn, Waxa Umaddu Ku Wada Kalsoonaan Waydaana Wax Shaqaynaya Maaha, Innaga
Oo Duurka Joogna Ayaa Wax La Kala Heli Jiray Laakiin Kalsooni Baa Jirtay”………..Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro)

Hargeysa, November 18, 2017, (Foore)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland mar walbana si weyn uga hadla xaaladda dalka iyo duruufaha nololeed ee shacabka Somaliland ayaa khudbaddiisii shalay oo aad u dheerayd waxa uu kaga hadlay xaaladda maanta dalku marayo iyo muranka ka taagan natiijada sanaadiiqda isaga oo dardaaran iyo waano culus u soo jeediyey Komishanka, Xukuumadda, Axsaabta iyo shacabka isaga oo ku baaqay in Komishanku degdeg u soo saaro natiijada oo aanu dheerayn muranka isaga oo wada qancinaya dhammaan xisbiyada qaranka ee tartamay halka uu digniin uga diray dadka balaayo alooska ah ee umadda walaalaha ah dabka kula dhex wareegaya.
Sheekh Aadan Siiro waxa uu khudbaddiisii shalay ee Masaajidka Xawaadle ku qaadaa dhigay sida islaamku u xalliyo xaaladahan oo kale isaga oo ku dabbaqay axaadiis, qisooyin iyo dhacdooyin islaamka soo maray oo ku aaddan sida ammaanka iyo wada jirka umadda loo ilaaliyo marka umadda islaamku xaaladdan oo kale gasho, isaga oo Sheekh Aadan Siiro walaac ka muujiyey doorkii uu qaadan Lahaa Madaxweyne taladu ka go’do oo maanta xaaladdan oo kale ka badheedhi lahaa in uu si wanaagsan u soo af-jaro isaga oo tusaale u soo qaatay Madaxweyne Rayaale qaabkii uu runta ugu sheegay xisbigiisa markii laga guulaystay doorashadii 2010.
Sheekh Aadan Siiro oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan isha shareecada ku eegno dhibkaa maanta inna haysta ee khilaafka ah. Waxa aad arkaysaan Hooyadaa agoonta haysata, Kuwaasi kuuliga ah, kaasi kaaryoonaha wata, ee wax la kala macaashayo iyo xisbi hebel iyo kuwa lacagta haysta waxaan aan waxba ka ogayn ee aanay ka khusayn. Waddamada Muslimiinta ah maanta waxa halkaa dhigay qof wax doonaya ama koox wax doonaysa ama deegaan wax doonaya oo macnaheedu tahay in uu talada umadda dhagaysan waayo. Waad ogtihii Suuriya ayaa ku burburtay Bashaar Al Asad, Yemen baad ogtihiin in lagu kala tagay oo la xaqiijiyey in tobankii miridhba ilmo yari ku dhinto, waxa ay ahayd muran siyaasadeed oo markaa ninkii dalkaasi Yemen haystay markii la yidhi waar 30 sannadood baad haysatee meesha isaga tag uu diidday baa maanta Yemen halkaa dhigtay, kadib waxa ka faa’iidaystay cadawgii Islaamka ee marka horeba doonayay in waddamadu islaamku inay burburaan. Maanta Somaliland waad arkaysaan waa dhibic kali ah. Ninka intaasi u kala ab tiriya ma uu fahmin dawladnimada iyo meesha loo socdo iyo waxa la doonayo cidda uu doono ha ahaado tirada uu doono ha yeesho magaca uu doono ha yeesho. Dawladnimadu waa shay ka dhaxeeya Afar Milyan iyo Badh oo qof oo ay dugsanayaan, oo laba Milyan iyo Badh ka mid ahi halkan Somaliland ay joogaan inta kalena dibadahaasi ku leeleelayaan. Rasuulka Ilaahay SWC waxa uu soo maray marxalado ka adag tan aynu maant amarayno. Sidoo kale hogaamadii khayrka badnaa ee Khulafadu ka mid ahayd waxa ay soo mareen marxalado tan ka adag, laakiin waxa u ilo bixiyey intii caqliga iyo toosnimada, cilmiga iyo kartida u saaxiibka ahayd ee in ay umaddu badbaado ka talinaysay, kuwaasaa u ilo-bixisay. Waxaanay kaga bixi jireen mabda’a Al-Shuuraa loo yaqaano ee wada tashiga ah”.
“Taladeenu maanta waxa ay tahay waar ha la is dhagaysto. Dadka wanaagsani waa in ay arrinta galaan. Maxay dhib leedahay 650-kun oo cod. Waxa tiring kara 350 inan. Inan walba 200 oo xaashiyadood ayaa ku soo hagaagaya. Ma cirkaa soo dumaya. Maxaad sheeganaysaan sanaaduuq, soo fadhiista oo ha isla eego. Simply intaasay ku kooban tahayba. Waliba in si toos ah loo tabiyo ayay ahayd oo umaddu oo dhammi daawanayso. Waayo maanta telefishanadeedii baahin toos ah ayay samayn karaan. Innoo soo daaq sanaaduuqdii Maroodi-jeex, kadib waa la tirin waakaa waa laga ambabaxay. Wax alle wax dhibaato keenayaa may jireen. Xisbigii Guulaystay waa is ogyahay tiradiisana waa haystaa, laakiin muhiimaddu waxa weeyi oo aan u jeednaa waa in dadkeena la qanciyo, oo la isu laab xaadho iyada oo aan wixii mashruuc laga dhigan. Wax aynu ku muranaaba meesha ma yaallo. Codadka aynu ka hadlaynaa marka intii luntay laga tago, bal 750-kii kunba halkan ii soo dhig. 3250 inan oo xisbi waliba Kun inan uu keeno kadib umadda inta lagu kalsoon yahay iyo komishanka oo min 10 keena iyada oo dhinacyada laga wada taagan yahayna kadib baahin toos ah umadda loogu sii daayo iyada oo kolba warqad la soo qaadayo, kama ay badateen shan saacadood in tirinta gabigeedaba lagaga faraxasho. Inan walba laba boqol oo warqadood ayaa ku soo hagaagaya. Intee ku qaadanaysaain qofka dhallinyaradaahi laba boqol oo warqadood akhriyo. Saacado kooban ayaa lagu dhammayn lahaa wax aynu ku muranaaba meesha ma yaallo. Dabadeed wixii soo baxay ninna kuma hadleen. Kaasi waa nidaamkii ay ku soo caano maaleen marka ay is qabsadaan dadkii wanaagsanaa”. Ayuu yidhi Sheekh Aadan siiro isaga oo intaasi ku daray:
“Shalay Hargeysa dadbaa ku dhintay tiradu inta ay doonto ha leekaatee. Burco dadbaa ku dhintay, Ceerigaabo dad badanbaa ku dhaawacmay. Imika dadkaa murmaya labaa ag fadhiya. Midi waxa uu leeyahay waar Ilaahay ka yaaba oo arrintan aynu caqli ku darno oo xikmad aynu ku darno midina waxa uu leeyahay suti gaashaan aan u hayno, murankaa maanta jira. Waar Ilaahay aan ka baqano. Waar dadkan lama qaybin karo, waar dadkani waxba ma kala yeelan karaan, waxbay wada leeyihiin. Midbaan idiin sheegayaa wax waloo dhinac ka rarani ma shaqaynayo. Xataa haddii maanta shaqeeyo saadambe ma shaqaynayo. Dadka qalbiga ayaa laga xukumaa, kalsoonidu waa qalbiga. Waa in dadka la raalligaliyo, waa in dadka wax loo caddeeyo, waa in dadka la isku hayo, waa in dadka kii qaldan si caqli iyo xikmad leh loo tilmaamo oo loo sheego in ay nabadda wada leenahay, dalka wada leenahay dadka wada leenahay. Waxaanu leenahay kuwa sharka u ololeeya dhinaca ay doonaan ha joogaane waar ka daaya baanu leenahay. Ciddii Ilaahay u qoray meeshan horaa loo xukumay ama adeer waraaqo ha bataan ama ha yaraadaan hore ayaa qalinku ugu dhacay. Kii imanayay samada ayuu ka qoran yahay. Wax umaddeeni isku dishaa oo ay ku qaybsantaa oo maatideenu ku qaxdaa oo caruurteena masaajidada iyo madaariska ugu diidnaa caqlan iyo sharcan toona ma aha wax la aqbali karo”.
Sheekh Aadan Siiro oo khudbaddiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Mushkiladda maanta inna haysataa waa maxay?. Komishankan maanta joogaa waa Komishankii ugu ayaanka darnaa weeyi. Sababtu waa maxay? Awooddii Madaxweynaha ayaa innaga maqan. Waad ogaydeen tii Madaxweyne Daahir Rayaale xisbigiisu markii uu diiday Madaxweynaha ayaa is taagay waxa uu yidhi waa la innaga helay waynu aqbalaynaa. Dad kale ayaa talinaya marka Power-kii maqan yahay waa dhib. Komishanka waannu kala hadalnay waxaanu ku nidhi waar Madaxweyne talinaya oo degdeg u soo dhex galaya oo go’aankii ugu adkaa isaga ayay umaddu dooratee qaadanayaa ma jiro. Idinkaa Madaxweyne ah, idinkaa Komishan ah, waar tallaabada aad qaadaysaan waar aad u eega oo aad ugu fiirsada. Taanay idin saamayn dad dano badan lihi. Walaalayaal, nabaddaa aynu haysanaa waxa ay innagu taagan tahay 50,000 oo qof oo innagaga baxay. Qaarbaa u haysta in ay nabadda kooxi keentay adeer 50-kun oo qof ayaa u dhintay, 800 oo sano wixii aan tabcaynay ayaa ku maqan oo ku baxay, waalidiinteennii aan jeclayn ayaan kala badh la aasin oo bannaanadaasi lagaga tagay. Cidna laga aqbalo maayo awoodda uu doono ha yeeshee nabadda cid wax yeeli kartaa ma jirtee. Xukuumadda waxaanu leenahay waar idinku muranka siyaasiga ah ee dalka ka jira ee axsaabtu ay leedahay waar idinku ka dhex baxsanaada oo caddaalad ka sameeya. Kalsoonidu haddii ay lunto oo dadka ka lunto go’aan kasta oo la qaato cid aqbalaysaa ma jirto. Laakiin marka uu qofku kalsooni dareemo go’aan kasta oo la qaato wuu qaadanayaa oo aqbalayaa”. Ayuu yidhi Sheekhu isaga oo ugu dambayn khudbaddiisa ku soo xidhay dardaarankan iyo talooyinkan waxaanu yidhi:
“Komishanka waxaan kula talinayaa waar wixii laga cabanayo tirinteedu dhib ma laha, xisbiyada u yeedha iyada oo la wada arkayo sanaadiiqda u fura oo hortiina ku tiriya. Waxa laga yaabaa waxa la isku haystaaba in aanay 50 sanduuq ka badan. Go’aamada aad soo saaraysaan caqli iyo xikmadi haku jirto. Dadka maanta idinka ayaa kala saari kar. Rikoodhka aad dhigtaan ayaa taariikhda umadda gali doonta. Dadka waxaannu ku leenahay waar beenta iyo borobagaandaha iska daaya. Waxaa dadka kala fogeeyaa waa waxaa sida Facebook, Twitter, Youtube ee cid waliba waxa ay doonto ay galinayso. Ilaahay yaabuu ii keenay 22 farriimood ayaa la ii soo diray intuba natiijo ayay ka hadlayaan iyo wax lagu kala adkaaday iyada oo wax alle wax lagu dhawaaqay aanay jirin. Maanta Hargeysa waad ogtihiin oo waa la wada degan yahay, iska daa dhulka intiisa kale, ninka ku fikiraya cid gaarraa wax heli doonta iyada oo ay umaddii mid tahay waa wax aan macquul ahayn. Waxa umaddu ku wada kalsoonaan waydaana wax shaqaynaya maaha. Innaga oo duurka joogna ayaa wax la kala heli jiray laakiin kalsooni baa jirtay. Maanta oo aynu aqoon leenahay, tiknoolajiyad leenahay wax yar ku kala tagi mayno. Waar nabadda ka shaqeeya oo ha kala raacina muranka. Aynu u dayno komishanka iyagana waa Komishankee waxaan leenahay waar Gees Lo’aad kulaylka ayaa lagu jaraa. 700 oo kun oo cod in aad shan cishaa la tirinayaa tidhaahdaan macquul ma aha. Waxa muranka kordhinaya ee dadka isku dirayaa taasi weeyi. Inta lagu muransan yahay berri innaga soo gabo gabeeya”. Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *