Search

Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Muhiim Ah La Yeeshay Xisbiyada Qaranka Iyo Ururada Siyaasadda Ee Somaliland

Hargeysa (Foorenews)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan lagu gorfaynaayo  qaabka qabsoomiyaddda doorashada golaha deegaanka la yeeshay  saddexda xisbi qaran iyo sagaalka urur-siyaasadeed.

 

Kulan oo ahaa mid ay al-baabadu u xidhnaayeen ayaa  ka dib markii uu soo  dhamaaday waxay warbaahintu wax ka weydiiysay waxyaabihii laga wada hadalay  Xubno ka tirsan madaxda ururada iyo xisbiyada kuwaas oo faah-faahin  shirkan ay la  yeesheen  komishanka ayaas heegay in ay ujeedadiisa ugu weyni ahayd sidii loo ga wadatashanlahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomikaraan  doorashooyinka golaha deegaanka dalka .

 

 Guddoomiye ku-xegeenka   1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed  oo kawaramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay  ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa “  maanta shirkan ay ururada iyo xisbiyada ay wada yeesheen komishanka  waxay ujeedadiisu ahayd  in la falanqeeyeo habka ugu habboon ee  loo qaban karo doorashooyinka golayaasha  deegaanka dalka   taasoo aanu waxbadan  iska weydiinay lana falanqeeyey “.

 

Sidoo kale waxay  ay masuuliyiinta ka socotay  ururada iyo xisbiyada Qaranku sheegeen  in lagawada hadlay  sidii ay  doorashadu u qabsoomi lahayd  inta ka horaysa dhammaadka sannadkan , shirkan ayaa waxa kale oo laga wada hadlay  astaamaha musharixiinta  oo dhawaan ay golaha guurtidu  ansixiyeen.

 

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey ) oo ka tirsan masuuliyiinta  Xisbiga UCID  kana  qaybgalay shirkan  maanta ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin su’aalaha dulhoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo  uu ku tilmaamay mid guul darro  u muuqata in xukuumadda oo talada haysay  muddo 2 sanno ah ay aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.




Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *