Search

Kobcinta Suufiyada Iyo La Dagaalanka Wahaabiyada Qorshe Caalami Ah Oo Dawlado Saaxiib Ahaa Kala Fogeeyey- Qalinka: Cabdilaahi Beershiya

“Waxaanu shaki ku jirin in dawladaha reer galbeedka ee la dagaalamaya islaamku ay dhiri geliyaan ururdda SUUFIGA ah, kutubta ugu badan ee maanta reer galbeedka dhex taal waxa ka mid ah qoraalada laga hayo Muxyadiin Buni Carabi iyo gabaydii u curiyey Jalaaludiin Alruumi, guddida u qaabilsan Kongaraska Maraykanka arrimaha diintu waxay dardaaran ku siiyeen wadamada Carbeed inay taageero mugle siyaan ururada Suufga ah ….” Sidaa waxa yidhi aqoonyahan Xeel dheere ah oo la odhan Jirey Cabdiwahaab Almasiiri oo lagu tilmaamo inuu ahaa dadka ugu aqoonta badan ee wax ka qoray dadka Yuhuuda ah.
Intii u dhaxaysay sannadihihii 2004-ta ilaa 2014-ka ayaa ninka sugaha dhaxalka magaalada Abu Dubai ee lagu magaacabo Maxamed Binu Sayid oo ah hoggaamiyaha sare ee ciiddamada qalabka sida wuxuu si xawli ah uga sheqeeyey inuu si fiican isku dhex geliyo diinta iyo siyaasada isaga oo yool ka dhigtay in dadka reer Imaaraad ay dhammaantood wada qaataan mad-habta Maalikiyada iyo dariiqada Suufiga.
Qorshahan waxa billaabay dawlada Maraykanka oo aaminsanayd in dadka dagaalka kula jira ee xag-jirka ah ee ka soo farcamay Wahaabiyada ay kula dagaalami karto in laga hor geeyo kooxaha Suufiga ah oo aan ogolaanayn in lagu milmo amma in la dhex galo siyaasada.
Sannadkii 2002-dii ayaa mac-hadada RAND iyo NIXON waxay soo saareen daraasad dheer oo ay ku qaadaa dhigayaan doorka wadaada Suufiga ah ku leeyihiin siyaasada arrimaha dibbeda ee Maraykanka. halkan ka akhri warbixinta mac-hadadaas Si arrintaa loo fuliyo dawlada Maraykanku waxay dedaal dheeraad ah u gashay in la sameeyo ururo xoog badan oo ka talawsan qaaradaha iyo xudduuda kuwaas oo dhammantood lagu faafinayo dariiqa suufiyada, waxaana ugu horeyn la hirgeliyey aasaaska xarunta u madaxda ka yahay sheekha Suufiga ah ee reer Lubnaan Hisham al Qubani oo taageero maaliyadeed ka helay dalka Imaraadka.
Sannadkii 2001-dii markay dheceen weeraradii 11-kii Sebtember ayaa labada aqoonyahan oo taariikhda takhasus balladhan u leh lana kala yidhaahdo Bernard Lewis iyo Daniel Pipes oo qoraaladii ugu dambeeyey ee u sameeyey midkooda u ahaa qoraal uu kaga waramayo Iimaanka iyo Awoodu siday u saameeyaan siyaasada bariga dhexey amma uqada ingiriisiga uu ku magacaabay Faith and Power: Religion and Politics in the Middle East, isla markaana ah nimanka aasaasay Xarunta Bariga Dhexe oo xidhiidh dhawna la leh guraga cad ee Maraykanka waxay codsadeen in dawlada Maraykanku taageero ballaadhan siiso dariiqooyinka Suufiga ah si looga hor tago xag jirnimada iyo wahaabinimada salkeedu yahay dalka Sucuudiga.
Stephen Schwartz oo isaguna ah dadka hoggaamiya qaar ka mid ah mac-hadada ugu caansan dalka Maraykanka ayaa sidoo kale kula taliyey dawladiisa inay qaadato tallaabooyin wax ku ool ah oo xoole badan lagu bixinayo si loo xoojiyo dariiqooyinka Suufiga ah taasina ay yarayn doonto dhibaatada Wahaabiyada iyo dadka xag jirka ah ee meelo badan dagaalada ka mid ah .
Sannadkii 2003-dii ayaa maktabada Aliskandariya oo kaashanaysa hey’adda UNISCO waxay dalka Ciraaq kaga dhawaaqeen inay sameeyeen GOLAHA SARE EE FATWADA, CILMI BAADHISTA IYO SUUFINIMADA , sannadkii 2005-tii ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay qabashada shir ay iskugu imanayaan dhammaan dariiqada Suufiyada ee ka kala jirta adduuka muslimka oo dhan kaas oo ka dhacay dalka Liibiya isaga oo cinwaan looga dhigay Dariiqa suufiayda Maanta iyo Shalay.
Sannadkii 2006 ayaa safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Masar Fransis Rechard iyo sidoo kale safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Marocco Thomas Rally waxay ka qayb galeen kullan xafladeed ballaadhan oo ka dhacay magaalada Danda ee dalka Masar oo lagu xusayey mawliidka Nebiga.
Haddaba waqtigana xaadirka ah waxa door weyn ka ciyaaraya arrintaasi dhaxalsugaha magaalada Abu Dubai ee Maxamed binu Sayid oo lacag badan wadankiisu ku bixiyey siddii ay u sameysmi lahaayeen ururo Suufiyo ah oo lid ku ah waaabiyada ka imanaysa wadanka Sucuudiga oo aanay qadiyan isku waafaqsaneyn.
hey’addaha u sida xoogga ah u maal geliyey Imaaraadkua waxa ka mid ah DABAH oo u masuul ka yahay sheekha rooxaania ah ee Cali Aljafari, sidoo kal ewaxa u xidhiidh weyn la leeyahay golaha XUKAMAA UL MUSLIMIIN oo ay ku jiraan dalal badan sida Indoniisya iyo Masar oo lagu kobciyo dariqa suufiga ah.
Hadal iy dhammaan waqtyadii hore dadka suufiyadu waxay ahaayeen dad xor ah oo ka madax bannaan siyaaadaha dalalkooda laakiin markii wax walba is bedeleen waxa soo dhex galay khaladaad keenay inay cid kale ka faa’iideysato, waxa intaa dheer waxa fursadaa sii salaxay markii dawladaha qaar ay weerar ba’an oo aan loo aabo yeeleyn ku qaadeen nidaam kasta oo ka soo hor jeeda waxyaabaha ay aaminsan yihiin sida dawlada Sucuudiga oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay faafiso nidaamkeeda ay u fahansan tahay diinta oo maanta dadkii sunniga ahaa dhex dhigay colaad badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *