BREAKING NEWS
Search

Khudbaduu Madaxweyne Siilaanyo ka Hor akhriyay labada Gole, Akhriso

Bismilaahi raxmaani raxiim

 

Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,

 

Shirgudoonka Baarlamaanka, mudanayaasha labada Gole,

Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda. Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka “Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu”.

 

Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba meelkasta oo ay joogaan. Aniga oo og mar kalena uga mahad celinaya taageerada buuxda ee ay xukuumadda la garab taagan yihiin, waxaanan idinka rajaynayaa inaad halkaa ka sii waddaan annaguna waxaanu ballanqaadaynaa in aanu dhinacayaga dedaalka  halkaa ka sii wadi doono oo aanu sii kordhin doono.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxa Milgo iyo Maamuus ii ah in aan hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo khudbad sanadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, Waxaanan khudbadayda kaga hadlidoonaa Warbixintii sanadkii ina dhaafay 2011, xaaladan cusub ee inagu soo korodhay oo aan si gaar ah wax uga tilmaami doono iyo Qorshaha Xukuumada sanadkan 2012.

 

Somaliland waa qaran labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba  mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan,  Labaatankaa sannadood ee ay somliland jirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland, waxay u halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta  kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Somaliland, waxa ay la timid siyaasad cad oo ku salaysan nabad ku wada noolashaha dadyawga caalamka iyo dawladaha jaarka ah, maantana Somaliland waxay maraysaa meel aan indhaha laga qarsan karin, iyadoo buuxisay shuruudihii looga baahnaa waxaa hubaal ah in cadawga Somaliland tan iyo maalintaa ku foognaa hagardaamooyin uu ku waxyeelaynayo himilada umadu ay gaadhay.

 

Warbixinta Xukuumada ee Sanadkii 2011

 

Mudanayaal iyo marwooyin; muddo sanad iyo badh ku dhaw oo aanu talada haynay, waxqabadkii xukuumadda iyo halkii ay ka soo bilowdayba inta badan waxa uu ku xusan yahay buugga idin horyaalla ee saaka la idiin qaybiyay.

 

Kal hore haddaaya, waxaaan halkan ka jeediyay khudbad sanadeedkii taasoo xambaarsanayd xog-waran buuxa oo la xidhiidha duruufihii markaa yaallay ee ay xukuumadda cusubi la kawsatay, sidii ay uga soo dabbaalatay,  iyo ballanqaadyo tiro badan oo  aanu hortiinna ka sheegnay inay xukuumaddu qobandoonto sannadkan dhammaaday.

 

Ballanqaadyadaa fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awooddu dhaqaale inoo saamaxaysay, waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa 85% ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka 10% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, 5% keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.

 

1.    Nabadgelyada:

 

Nabadgelyadu waa halbawle, waana waxa ugu qiimaha badan ee aynu haysano sanadkana waxa ina soo maray dhawr shaqaaqo oo ka kala dhacay meelo kala duwan, waxaanay kala ahaayeen Kalshaale, Ceelbardaale, Ceerigaabo Yagoori iyo Seemaal, Waana ogtihiin oo dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii daata, Waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiintii, odayadii, waxgaradkii iyo culimadii ka hawl galay, waxaana hawlgal nabadeed laga sameeyay Widhwidh, Laascaanood, Ceerigaabo, Gebilay iyo Dilla, dhamaantood waxay ku dhamaadeen is-afgarad iyo jawi nabdoon. Waxaanu kor u qaadanay hawlaha adeega nabadgelyada.

 

 

2.    Dhaqaalaha:

 

Dhaqaaluhu waa laf dhabarta horumarka waxaan sanadkii hore aanu miisaaniyadiisa kordhinay 70% marka loo eego miisaaniyadii ka horaysay, waanay soo xerootay odoroskii la qorsheeyay qadar aad u yar mooyaane.

 

A.  Waxaanu sanadkan soo daabacnay lacagta Somaliland ee 1000 iyo 5000 iyadoo ay timi baahi lacageed lana hor keenay golahan oo uu ansixiyay.

 

B.   Bedelaada Lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray Gobolada qaar. Waa ogtihiin culayska dhaqaale ee ay lahayd, maantana waxa dhulkaa laga isticmaalaa lacagta Somaliland.

 

3.    Waxbarashada:

 

Ballanqaadku waxa uu ahaa in dugsiyada dawladda loo shaqaaleeyo 1500 oo macalimiin oo cusub, waxaanu shaqaaleeynay 1700  oo macallin, waxaanu billaash ka dhignay waxbarashada dugsiyada aassaasiga ah, arintani waxa  ay culays weyn ka qaaday danyarta iyo inta bulshada ugu nuglayd,  waxaanay fursad siisay arday badan oo ay ku adkayd inay helaan  xaqa ay u leeyihiin waxbarashada. Waxa kale oo aanu ballanqaadnay inay xukuumaddu kafaaloqaadanayso oo lacagta Fiiga jaamacada  laga bixin doono 20ka arday ee imtixaanka ugu sareeya dugsiyada sare ee dawlada, iyo waliba 6-da hablood ee ugu sareeya imtixaanka dugsiyada sare oo iyagana laga bixiyo Jaamacada, ballantaasina way fushay oo  150 arday ayaabay gaadhaysaa tirada ardayda sanadkan fiiga  laga kafaaloqaaday.

 

4.    Caafimaadka:

 

Waxaanu ka qabanay in ka badan intii aanu balanqaadnay, Dhammaan gobolada waaweyn waxaa lagu sameeyay dib u habayn, dayactir iyo qaar wax lagu kordhiyayba, weynu ognahay baahida dalkeenu way ka mug weyn tahay mid aynu kaligeen wada dabooli karayno sidaa awgeed waxa gacan muuqata ka siiya dawlada oo ka caawiya haya’do caalamiya, inkastoo aanay gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa laakiin haba iska yaareetee waynu ugu abaal haynaa, waxaanan ku rajo weynahay in ay kordhin doonaan kaalmadaa caafimaad. Waxaan odhan karaa sanadkan dhammaaday waxa caafimaadka laga qabtay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawlwadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa, waxaa Ambalance-yo cusub loo qaybiyey Boorame, Gabiley iyo Ceerigaabo.

 

Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalimi ah iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale Gabiley waxa  laga furay cusbitaal cusub, Waxaa ballan-qaadkayagii ka mid ahaa inaanu shaqaalayno  443 isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad  oo  ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada caafimaadka, waana la fuliyay oo way hawlgaleen.

 

5.    Xoolaha:

 

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkood iyo daryeelka iyo deegaanka ay ku nool yihiin. Ballanqaadkayagii horena waxa uu ahaa in la Hawl-galiyo 6 kooxood oo ku wareega Gobolada dalka oo ah Dhakhaatiirta Xoolaha, nasiib wanaag  waxa hawshaa ka qayb qaatay 30 kooxood oo dhakhaatiira.

 

Waxaa sanadkan ka dhoofay Dekeda Berbera xoolihii ugu badnaa, taasi oo muujinaysa in dhoofka xooluhu uu sare u kacay.  Waxaana xoolaha dhoofay kala yihiin:

 

  • Adhi  = 2,386,705 neef
  • Lo’o = 529,195
  •  Geeluna =  470,540

Deegaaanka si loo xoojiyo ilaalinta dhirta iyo badbaadinta Deegaanka, waxa la shaqaaleeyay in ka badan boqol qof oo aqoon iyo khibrad u leh ilaalinta dhirta, deegaanka iyo duurjoogta kuwaasoo ka hawl galay goboalada iyo degmooyinka dalka.

 

6.    Cadaalada iyo Garsoorka:

 

Si kor loogu qaado waxa la qabtay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad ka sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeerilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd inuu soo saaro talo cilmi ku dhisan oo lagu saxo caddaalada iyo garsoorka dalka waxa ka soo baxay oo laga soo saaray Buug indha-fur u noqonaya dadaalka aynu ku doonayno inaynu dhisanno nidaam cadaaladeed iyo garsoor lagu bogsado.

 

Anagoo ka duulayna talooyinkii kasoo baxay daraasadaas iyo ka midho dhalinta sidii ay bulshadu u heli lahayd cadaaladad sugan, waxaanu isbedel ballaadhan ku samaynay masuuliyiinta Gudiga Cadaalada, Maxakamada Sare,  iyo dhammaan maxakamadaha Racfaanka, Gobolada iyo degmooyinka.

 

 

7.    Biyaha:

 

Biyuhu waa noloshii, waxaana xanuun wayn inagu haya abaarta soo noqnoqta iyo culayska ay biyo yaraantu ku hayso horumarkeena iyo dhaqaalaheena. Sanadkan dhamaaday waxa la dhamaystiray 22 Ceel-biyood oo dhaadheer, halka gacanta lagu hayo 19 Ceel-biyood oo dhaadheer  kuwaasoo ku baahsan inta badan gobolada dalka iyadoo loo eegayo baahiyaha iyo helitaanka biyaha.

 

Waxa dhamaaday 23 Barkadood oo laga qoday guud ahaan gobollada dalka. Waxaana socota biyo-galin lagu samaynayo 18 Tuulo, kuwaasoo ku kala yaaala gobolada Awdal, Salel, Maroodijeex, Togdheer, Saaxil iyo Sool.

Iyadoo Xukuumaddu dedaal dheer ugu jirta sidii loo daboolilahaa baahida biyaha, waxay maal-galin dhan 27 ½

Milyan oo dollar, ka rajaynaysaa Midawga Yurub (EU), taasi oo kor loogu qaadayo habka biyo-galinta magaalooyinnka Hargeysa, Ceerigaabo, Wajaale iyo Burco. Wakaaladaha Biyaha Hargeisa iyo Burco waxay ku tallaabsadeen horumar fiican.

 

8.    Beeraha:

 

Waxa la sameeyay sahan lagu qiimaynayo cuntada dalka ka soo go’day, taas oo lagu qiyaasay in ay dalka ka soo go’een isugayn 66,451 ton oo hadhuudh ah iyo arabikhi dhan60,997 tons. Wasaarada Beeruhu waxay ogaatay celcelis ahaan roobka wadanka ka da’ay. Iyada oo kaashanaysa qalab roobbeedyada lagu rakibay gobolada, Waxa dalka laga beeray Bariis, waxaanan, Mudanayaal, idiin cadaynayaa inuu ahaa mid damcadiisa dhadhan ay aad u macaan tahay oo aan aniga laftaydu cunay aadna ugu farxay, waxaa beeralayda loo qaybiyay qalab beereedyo kala gadisan oo dhan. 10 Cagaf cagaf oo cusub oo qiimo jaban lagu tartansiiyay beeralayda dalka iyo qalab kale oo badan.

 

9.     Waddooyinka:

 

Waxaa dayactir lagu sameeyay wadada laamiga  ee u dhexeeya Laascaanood illa Kalabaydh, Waxaa Dawlada iyo Bulshada reer Boorame iska kaashadeen Dilla illaa Borame oo ay dhamaadeen illaa 10KM, waxaanan bogaadinayaa dhamaan intii ka qaybqaadatay. Waxaanu gacan ka gaysanay wadada cusub ee gacanta lagu hayo ee Burco – Oodweyne.

 

10.           Siyaasadda:

 

Go’aan-ka-gaadhidii furashada ururada siyaasadeed iyo abuuridda gudida diiwaangalinta, iyo ansixinta axsaabta iyadana waa la fuliyay.

 

11.           Gudoomiye, waxaanu idiin soo gudbinay Qorshaha Shanta Sanno ee dalka (5 Years Plan) oo idin horyaalla si aad ula socotaan ku talo-galka xukuumada. Qorshan oo tusmayn-doona  tacabgalkeenna iyo waxqabadkeena, waxa kale oo aan ku rajo weynahay inuu cid kasta oo danaynaysa, inay Somaliland wax la qabato amaba wax la qabsato, u fududayn doono fahamka ay uga baahan yihiin baahideena horumarineed, ta dhaqaale, ta caafimaad, ta waxbarasho iyo guud ahaanba yoolkeena waqtiga dhaw.

 

12.           Kuliyada Tababarka Saraakiisha Ciidanka oo uu dalku baahi weyn u qabay ayaa la dhisay oo dhamaatay. Waxaa la diyaariyay derajada iyo qaab-dhismeedka ciidamada kala duwan ee qaran, Waxaa lasoo gebgebeeyay inta badan tirakoobka ciidamada ee aagaga dalka anigoo rajaynaya in uu dhamaandoono bilaha fooda inagu soo haya, intaa ka dibna waxaa la dhaqangelindoonaa derajada ciidama.

 

Waxaa kor loo qaaday tirada iyo tayadii ciidanka illaalada xeebaha sidoo kale waxa la dardargeliyay kaluumaysiga oo dakhli intii hore ka badani uga hoyday qaranka.

 

13.           Dhalinyarada iyo Ciyaaraha:

 

Shaqo abuurka, hurumarinta dhalinyarada iyo dhiirigelinta cayaaruhu waxay ka mid tahay meelaha dawladaydu ay mudnaanta siisay iyadoo aanu shaqaalaynay dhalinyaro gaadhaysa 2759 cusub. Waxaanu dhaqangelinay siyaasada dhalinyarada ee heer qaran, waxaanu suuragelinay in xayiraada laga qaado dhalinyarada oo ay u tartami karaan 25jirku golayaasha Deegaanka. Hasayeeshee shaqo la’aantu way ka badan tahay mid sanad iyo labotoona lagula tacaali-karo waxaase noo qorshaysan in la yareeyo shaqo la’aanta. Sidoo kale waxaanu qabanay tartankii cayaaraha gobolada iyadoo dibu dhis lagu sameeyey garoomada Hargeisa iyo Burco, kii Berberana gacantaa lagu hayaa.

 

14.           Waxaanu gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan kana soo talo bixiyaan Dumarka iyo Beelaha laga tirada badan yahay oo dhibaato ku qabo Doorashooyinka, waxaanan golayaasha usoo gudbindoonaa wixii kasoo baxa. Anigoo fulinaya balan-qaadkaygii, tixgelina siinayna xuquuqda dadka laga tirada badanyahay waxaanu shaqaalaynay 27 xubnood oo kasoo jeeda beelahaa. Waxaa dheer dhawr iyo sodon arday oo ka soo jeeda beelahaa laga tirada badanyahay oo ay xukuumadu ka bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed.

 

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaya Maayirka Gabiley Marwo, Khadra Xaaji Gaydh oo ka dhex muuqday sanadkan wax-qabadkeedu rag iyo dumarba.

 

15.           Siyaasadda Dibedda:

 

Mudanayaal iyo marwooyin, annagoo maanka ku hayna muhimadda uu mandaqadda u leeyahay, xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba  waxaanu safar shaqo  ku tagnay jamhuuriyada  aynu walaalaha nahay ee Djibouti iyo dalka itopiya ee aynu saaxiibka nahay halkaas oo si weyn naloogu soo dhaweeyay. Waxaanu kulamo la yeelanay madaxda dawladahaa.

 

Booqashooyinkaa oo aan ku kalsoonahay inay sii adkaysay xidhiidhka iyo waxwada qabsiga aynu la leenahay labadaa dawladood ee aynu walaalaha nahay, waxaanu kaga wada hadalnay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada, dhaqaalaha, iyo gancsiga, kulankaa ka dibna waxa Djibouti dib looga furay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd oo muddo xidhnaa.

 

Xidhiidhka aynu la leenahay wadamada carabntu  aad  buu u jilicsanaa, sidaas awgeed ayaanu ku ibo furnay booqasho rasmiya oo aanu ku tagnay wadamada Imaaraadka carabta, Kuwait iyo Masar oo aanu martiqaadyo ka helay, sida runta ahna waxa naloogu soo dhaweeyay oo ay madaxda iyo Amiirada wadamadaasi nagu qaabileen maqaam sare. Iyadoo aynu garankaro muhimada uu safarkaasi u lahaa qaddiyaddeena, haddana ujeedadii ugu muhiimsanayd ee aanu halkaa u tagnay, isla markaana aanu madaxdaa carbeed  kala soo hadalnay, baahida soo noqnoqota ee dalkeenna ka haysata abaaraha iyo biyo la’aanta iyo sidii aynu maalqabeennada carbeed indhahooda ugu soo jeedin lahayn, khayraadka dihin ee dalkeena oo  ay u baahan yihiin. Sida runta ahna inkasta oo aannaan ka soo wada helin wixii aynu wayddiisanay iyo baahiddii aanu hor dhignay, haddana waxa hubaal ah inaynu wax la taaban karo kala soo noqonay.

 

Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadanka shiinaha oo aanu ka wada hadalay maalgashiga dhulkeena isfaham fiicana waanu isla gaadhnay wakhtigan xaadirka ahna waxaa ku muqan wefti waxaana aanu ku rajaweynahay in uu xidhiidhkaasi midho dhal noqondoono.

 

16.           Warfaafinta:

 

Waa markii ugu horaysay ee Tv-ga qaranku uu gaadho daafaha dunida iyadoo Raadiyihiina qandaraaskiisii la bixiyay gacantana lagu hayo dhismaha iyo dhamaystirka idaacad gaadha wadanka gudihiisa iyo debadiisaba.

 

17.           Waxaa horumar fiican laga sameeyay Dekeda Berbera, Madaarada Hargeisa iyo Berbera.

 

18.           Goloyaasha:

 

Waxaa hubaal ah in mudadii golahani shaqaynayey uu kala kulmay xukuumadii iga horaysay jawi cakiran oo dabartay shaqadiisii, balse sidii aan kalhore halkan idinkaga codsaday wada shaqayn iyo iskaashi, waxaan qirayaa inaan ka helay gacan buuxda iyo wada shaqayn fiican, waxaana sanadkan aan usoo gudbiyey golayaasha 24 Xeer oo ay ansaxday lana dhaqangeliyay 12 xeer oo ka mid ah, waxaanan goloyaasha uga mahad-celinayaa wada-shaqaynta fiican ee ay ii muujiyeen, waxaan leeyahay, aad-baad ugu mahadsantihiin.

Shirka Taleex

 

Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga arinsanaysay arimaheeda dhaqan iyo horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuqato inay xiligan ka soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto beelahaa.

 

Dawlada Somaliland marnaba ma ogolaandoonto in qarankan lakala qaybiyo iyo in lagu qadhaabto magacayo aan jirin, waxaanu difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Somaliland, intii mas’uulka ka ahayd shir-qoolkaasna waxaanu u aragnaa in ay yihiin dembiilayaal qaran.

 

Wax-garadka, Samo-taliska iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaa ay la wareegayaan kooxdaa kusoo duushay wadajirka umada.

Qorshe Sannadeedka 2012

 

1.    Ammaanka iyo Difaaca Qaranka :

Gudoomiye, sanadkan waxaanu muhiimada kowaad siindoonaa kobcinta amaanka, kor u qaadida difaaca dalka si taa loo helona waxaanu tayayn-doonaa ciidamada kala duwan ee qaranka.  Somaliland waxay xaq u leedahay difaaca xuduudaheeda sugan, kuwaas oo lama taabtaan ah.  Waxaanay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo xad gudubta qaranimadeeda. Golayaashana waxaanu ka rajaynayaa xaalad kasta oo timaada in aad nagu garab gashaan.

 

2.    Miisaaniyadda sanadkan 2012:

Waxaanu diyaarinay Miisaniyad Sanadeedkii 2012, taas oo dakhliga odoriskeedu noqondoono lacag aan ku qiyaasnay Shan Boqol iyo Afartan Bilyan oo Somaliland Shillings (Sh.Sl. 540,000,000,000), taasoo marka la bar bar dhigo miisaaniyaddii kal hore ka badan 10%.

 

3.    Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasada: Sanadkan waxaa inoo qorshaysnaa in la qabto doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka , Hadaba anigoo tix-raacaya go’aankii uu Golaha Guurtidu ku muddeeyay doorashada golayaasha deegaanada, waxaanu qabanaynaa doorashada dawladaha hoose sannadkan gudihiisa, taasoo suurta gelinaysa kobcinta iyo geedi socodka dimuqraadiyadda aynu dhabadeeda hayno. Maalinta doorashada, waxaa cayimi doona Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanan ururada cusub usoo jeedinayaa inay si saaxiibtino leh u tartamaan, illaaliyaan midnimada isuna haneeyaan cidii ku guulaysata.

 

4.    Siyaasada Arimaha Debeda iyo Ictiraaf Raadinta:

Waxaanu tegaynaa madal kasta oo danta Somaliland ku jirto, Waxaanu hor fadhiisanaynaa cid kasta oo aanu u aragno inay dani ugu jirto qadiyada madax-banaanida Somaliland. Waxaanu ka codsanaynaa shacbiga Somaliland gude iyo dibadba in ay ka qayb qaataan ololaha aqoonsi raadinta Somaliland.

 

5.    Shaqo Abuurka: waxaynu ka war haynaa dhibaatada ay shaqo la’aantu dadkeena ku hayso, iyadoo si gaara ay ii damqayso dhalinyarada ka soo baxaysa jaamacadaha iyo iskuulada ee billaa camalka suuqa kula soo noqonaysa, hadana waxaad ogtihiin awoodeena dhaqaale iyo itaalkeena dawladnimo, mana haysano aqoonsi inoo suurtageliya inaynu  hay’adaha dunida ee dhaqaalaha iyo maalgashiga laga martiyo sida World Bank, IMF.

 

Dadkii aqoonta lahaa wuxuu u yaacayaa qurbaha si uu  shaqo uga helo, shaqo abuurkana waxaa aasaas u ah dhaqaalaha iyo aqoonta. Waxaa loo baahan yahay inaynu isku tashano oo eegno sidii aynu isugu habaysan lahayn waxa aynu haysano, hadaba anagoo arintan maanka ku hayna, waxaanu daraasad ku samaynay guryaha dawlada oo ka mida hantida ma guurtada ah ee qarankani leeyahay, waxaa noo cadaatay marka laga reebo inta xafiisyada dawlada in aanay guryaha dawladu qarankan waxba ugu jilayn sida ay hada yihiin, iyadoo intooda badani dad shicib ah iyo dad masuuliin ahaan jiray ay gacanta ugu jiraan, waxaana yar wax kiro bixiya, ama guryaha ay ku jiraan dayac tira, waxay ku kala yaalaan dhamaan gobolada wadanka, waana sidan:

Hargeisa 501 Guri
Burco 119 Guri
Borama 63 Guri
Berbera 264 Guri
Ceerigaabo 23 Guri
Sheekh 24 Guri
Saylac 21 Guri
Oodweyne 3 Guri
Total 1030 Guri

 

Bal hadaba, 1030-kaa guri markii la qiimeeyay waxaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa illaa $170,000,000. Waxaanan aaminsanahay inay aritani gundhig u noqon karto dhaqaale suurageliya warshado ka badan 10 warshadood iyo wax soo saar ummada u keena shaqo abuur ay ka shaqayn karaan muwaadiniin badani.

 

6.    Samafalka iyo Mucaawinooyinka: iyadoo ay hay’adaha caalamiga qaar ka mida iyo wadamada islaamka qaarkood inaga soo gaadhaan mucaawinooyin kooban oo danyarta iyo foqorada lasiiyo, ayaa waxa muuqata in aanay isla jaan qaadin hayadaha kaalmada bixiyey iyo kuwa dawlada ee qaabilsan sida: Hay’ada AfooyinkaNERAD, Ururinta Zekada, Xafiiska mucaawinooyinka ee madaxtooyada iyo  xafiiska dawlada  la shaqeeya WFP. Sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa komishin guud oo kulmiya Hay’adahaas.

 

7.    Sanaag Bari, anagoo maanka ku hayna muhiimada ay qarankan u leedahay, baahida loo qabo maamul fidinta iyo horumarinta bariga sanaag waxaanu qorshaynay mashaariic gaadhaysa illaa 3 Bilyan SL shillin taasoo u dhiganta ½ million US Dollar. (Nus millyan)

 

8.    Barnaamijka Iskaa wax u qabso oo aan sanadkii hore inoo suurto gelin, duruufihii dhaqaale darteed Waxaanu dib u bilaabaynaa barnaamijkii “iskaa wax u qabso” oo aanu jecelahay in musuuliyiinta iyo dhamaanba bulshadu ka qayb qaadato.  Marka cududa ummada la isu-geeyana wax weyn ayay qaban karaan.

 

9.    Waxaanu dedaal gelinaynaa tayayta tacliinta sare, si jaamacaduhu ugu hellaan fursad waxbarasho waxaanu abuuri doonaa nidaam suurageliya in ardayda dugsiyada sare ka qalinjebisaa ay soo maraan hal sano oo shaqo qaran ah (National sevice) iyadoo arintan suurtagalnimadeeda ay ku xidhnaan doonto haynteena, inkasta oo culayskeedu badanyahay waxaase hubaal ah inay dhalinyarada u tahay barbaarin, qarankana u tahay xoog, shaqo iyo difaac, Jaamacadanaha fursad siin-doonto.

 

 

10.                        Barnaamijka xaqsiinta Ciidamada qaranka, Ciidamada qalabka sida ee JSL oo ka kooban Ciidanka Millitariga, Booliiska iyo Asluubta waxay la xuquuq yihiin shaqaalaha dawlada oo iyagu hella xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin balse xubnaha ciidamada kala duwan ee inoo haya shaqada ugu muhiimsan ee aynu halkan ku fadhino ma hellaan xuquuqdooda shaqaalanimo, sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa Hay’adda Xaqsiinta ciidamada qaranka

 

Gebogebo

 

1)   Saxaafadda

Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee xorriyatul-qawlka. Xorriyadda saxaafadda iyo madax banaanida fikirka muwaadinka waa arin aan ixtiraamayno. Waxaanu dul qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee naloo soo jeediyo. Hase yeeshee, waxaa soo baxay qaar ka gudbay xuduudii uu sharcigu ogolaaa sida TV-ga gaarka loo leeyahay ee Hon Cable TV oo caadaystay faafinta borobagaadada lidiga ku qaranimada Somaliland.

 

2)   Culimada

Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

 

3)   Beesha Caalamka

Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda iyo deegaan dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aaya ka tashiga madax-banaanidooda.  Sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qaybqaataan dib udhiska qarankan.

 

Umada reer Somaliland waxay kasoo gudubtay maalmo badan oo qadhaadh illaa iyo marka laga soo bilaabo isticmaarkii gumaystaha, halgankii dibu xoraynta dalka iyo dhismihii qaranimada oo tacab badani ku soo baxay. Maantana waxaan ku kalsoonahay inay ka gudbi doonaan dibindaabyo kasta oo loo soo maleego,

 

waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad isku duubnaataan, illaalisaan qaranimada si looga midha gaadho himilada umadani mudada dheer ku naaloonaysay.

 

Aad baa u mahadsantihiin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *