Search

Khudbadda Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadu Ka Jeediyey Kulankii Ballaadhnaa Ee Shalay Isbahaysiga KULMIYE Isugu Yimaaddeen + Farriimo Uu Gaar Ugu Diray Madaxtooyada, Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Taageerayaasha KULMIYE

Hargeysa (Foore) Wasiirka hore ee madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo khudbad ka jeedinayay munaasibad isbahaysiga musharaxiintu ku yeesheen Hargeysa ayaa uu sheegay in Muuse Biixi afduubayo xisbigii Kulmiye, waxaanu tilmaamay uu sheegay inaanu qiimaynayn qayb laxaad leh oo ka mid ah xisbigii kulmiye haldoorkiisa.

“Ninka Xukumaddii uu xisbiga u ahaa badh ka tagay,ee ku xigeennadiisii ka tageen ee kuxigeennadii baarlamaanku halkan fadhiyaan, ee guddidii fulinta badankeedii ka tageen, ee musharaxiintii la tartamaysay halkan fadhiyaan ee golihii dhexe ka tageen ee wali leh waxba inagama qasna ee inoo wada bal bari aynu taariikhda eegno.” ayuu yidhi Xirsi Cali X. Xasan.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirka hore madaxtooyadu difaacay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu uu musharraxiinta isbahaystay u soo jeediyay inaanay ku tiigaalin dhaliisha madaxweynaha. Waxa uu sheegay inaanay jirin xumaan u dhexaysa isaga iyo madaxweynaha.

Halkan ka daawo Khudbadda Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *