BREAKING NEWS
Search

Khubarada Sayniska Oo Baadhitaano Dheeraad Ah Ku Wada Meerihii Dhawaan La Helay Ee Lahaa Astaamaha Dhulka!!

Koox Khubaro ah oo u dhalatay waddanka Maraykanka oo ka mid ah khubarada arrimaha cirka iyo meerayaasha hawada sare ayaa waxa ay baadhitaano hor leh oo cusub ku bilaabeen meerihii dhawaan la helay ee lahaa astaamaha u dhigma kuwa dhulka. Afhayeen kooxdan khubarada ah u hadlay ayaa sheegay in ay baadhitaano cusub ku samayn doonaan meerahan leh astaamaha dhulka oo ay daraaysan doonaan bal in sida dhulka oo kale lagu noolaan karo iyo in kale.
Saynisyahanadan ayaa hore u sheegay in ay markii ugu horreysay ogaadeen jawi (atmosphere) la mid ah kan koonkan aan ku nool nahay oo ku xeeran meere dhulka la mid ah.
Waxay daraasad ku sameeyeen duni kale oo loo yaqaanno GJ 1132b, taasoo 1.4 goor ka weyn dhulka, sidoo kalena dhulka u jirta fogaan ah 39 sannad-iftiin.
Sannad-iftiin (light year) ayaa ah halbeeg lagu qiyaaso masaafada uu sannadkii iftiinku jari karo marka uu dhex socdo meel madhan, wuxuuna halkii sannad-iftiin la mid yahay 9.5 trilyan oo KM.
Daraasaddooda ayay ku ogaadeen in meerahaas cusubi uu ku gadaaman yahay dahaadh ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal.
Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar laga sameeyey baadigoobka loogu jiro in la helo noole ku nool meelo ka baxsan koonkan, iyo in wax laga ogaan karo jawiga meerayaasha, waxaase la sheegayaa in meerahaasi aanu noqon karin meel nololi ka jiri karto, maadaama heerkulkiisa uu yahay 370 C.
Afhayeen u hadlay kooxda baadhitaankan ku guda jirta ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan warbixinta kama dambaysta ah ee meerahan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *