Search

Khilaafkii Kulmiye Huursanaa Oo Inuu Qarxo Qarka U Saaran, Shir Duceedyo Hargeysa Uga Socda Musharixiin Cusub Iyo Wal Walka Soo Food Saaray Kuwii Hore

Siyaasiyiin Cuusb Oo Dhawaan Hargeysa Kaga Dhawaaqaya Inay Ku Soo Biireen Musharaxiintii Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Foore) – Bishii U Dambaysay waxa magaalada Hargeysa ka socday shirar gooni gooni ah oo ay dabada ka riixayaan niman xisbiga Kulmiye ka tirsan oo han Musharax madaxweyne Galay,kuwaasi oo qaarkood ay ku jiraan Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaana dhawaan la rajaynayaa in Xisbiga Kulmiye ay ku loolamaan rag hore hankooda u iclaamiyay iyo kuwo cusub oo aan la filayn oo ku soo biiray oo ka awood badan qaar ka mid ah kuwii hore loo ogaa,kuwaasi oo wax badan ka badeli doona dhaqaaqa Xisbiga Kulmiye ee uu imika ku jiro.
Wararkan oo ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin Xisbiga kulmiye ka tirsani, waxa jira masuuliyiin door ah oo uu Hunguri kaga jiro inay iska dhex sharaxaan Xisbiga Kulmiye Shanta sano ee soo socota oo loo badinayo inaanu Madaxweyne Siilaanyo Musharax ahayn, kuwaasi oo aan hore u iclaamin hankooda balse imika Tartanka ku soo biiraya,kuwaasi oo ay ka mid yihiin rag ruug cadaadi ah oo Golaha wasiirada ka mid ah iyo siyaasiyiin kale oo sumcad weyn ku dhex leh Shacabka Somaliland kuwaasi labadii bilood ee u dambeeyay shirar duceedyo talo ururin salka ku haya Hargeysa ka waday halka rag kalena ay shirarkan kuwan oo kale ah ka wadeen Magaalooyin Qurbaha ku yaala,waxaana dhawaan la rajaynayaa in Xisbiga kulmiye ay ka dhex bilaamaan dhaq dhaqaaqyo siyaadadeed oo shirarkaasi ka dhashay kuwaasi oo ku salaysnaan doona ismuquunin iyo isku awood sheegasho,waxaan durba ay arintani saamayn ku yeelatay golihii dhexe ee Xisbigaasi oo koox kooxo shirar hoose uga kala war qaata.
Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu la ciir ciirayaa khilaaf siyaadeed aad u culus oo hadii uu qarxo aan loo maaro heli karin waxaana sheeda iska eeganayaa rag damacoodu kala fogeeyay oo uu kala irdheeyay oo kawada tirsan Xisbigaasi waana arimaha ilaa intii Khilaafkii sanadkii hore la bakhtiiyay intii ka dambaysay uu u qabsoomi laayahay Shirkii golaha dhexe ee Xisbigaasi oo laga cabsi qabo khilaaf hor leh hadii shirkaasi la isku dayo inuu qabsoomo. Hanaanka iyo Mustaqbalka hogaamineed iyo musharaxa sanadka dambe ee Xisbiga Kulmiye xululistiisu waa tiirka koowaad ee la iska dhawrayo in lafaro fareeyo balse waxa imika muuqata in wakhtigii gondaha yimid oo wax la sugaaba aanu jirin waana ta keentay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay wadaan rag aan hore jeebka loogu haysan inay isku soo taagayaan jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo debadii. Waxaa dhawaan la sugayaa inay Hargeysa kaga dhawaaqaan rag door ah oo miisaan culus ku leh Bulshada Somaliland oo qurba joog iyo masuuliyiin dalka jooga iskugu jiraa inay ku soo biireen musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee tartanka madaxtinimada uga qayb galaya Madaxweyne Siilaanyo Dabadii.
Waxa iyaguna jira dhaq dhaqaaqyo ay Huteelada Hargeysa ka wadaan rag ka mid ah kuwii hore hankooda u iclaamiyay oo isku sii diyaarinaya waxa ay ka yeelayaan musharixiinta ku soo badanaya Xisbiga kulmiye ee Hanka Madaxweyne leh. Sikastaba hanoqotee waxaa laga dhursugayaa halka uu Xisbiga Kulmiye ku dambeeyo Mustaqbalka dhaw iyo sida uu uga badbaado khilaaf siyaasadeed oo huursanaa oo dhawaan daboolka laga qaadayo.waxa hore hankooda Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye u bayaamiyay oo bulshada u sheegay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,waxaana kuwani Cusub la loolami doonaan kuwaasi hore oo ay ku soo biiri doonaan iyadoo aan imika la ogayn inuu go’aan uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono Arintani.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *