Search

Khilaafka Jaamacadda Hargeysa Oo Sababay Rabshado Hadheeyay Jaamacadda.

Hargeysa(Foore) – Dhalin yaro cadhaysan ayaa saaka rabshay Imtixaan lagu gali lahaa Jaamacadda Hargeysa. Saaka oo ay ahayd In Qaybo ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacadda Hargeysa galaan Imtixaan maanta bilaaban lahaa ayaa Dhalinyaro qaarkood ka mid yihiin Ardayda jaamacaddu rabsheen Imtixaanka.
Xogaha Mareegta Ramaas ka heshay Goobjoogeyaal ku sugan Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in Dhalinyaradu jeex-jeexday Imtixaanadii Ardaydu gali lahayd islamarkaana sidaasi uu ku baaqday Imtixaanka maanta bilaaban lahaa, jaamacaddana lagu kala yaacay.
Ardayda ayaa ka cadhaysan sida Ramaas xogta ku heshay muran soo taagnaa ilaa Sanadkii hore oo ku saabsan Hormuudada Qaybaha Sayniska iyo dhaqaalaha ee Jaamacadda oo shaqada laga joojiyay, ilaa haddana aan xal loo helin.
Khasaaraha rabshaddan ka dhashay ayaa lagu sheegay mid ku kooban burbur jaamacadda ah iyo gaadiidka oo la burburiyay, halka la xidhay tiro kooban oo Ardayda rabashka samaysay ah.

Hogaanka Jaamacadda iyo labadan Dhiin ayaa isku khilaafay hanaanka ay u wada shaqaynayaan waxaana iscasilaad gudbiyay Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Jaamacadda, iyadoo madaxweyne xigeenku oo wakhtigaasi khilaafka xallinayay aqbalay iscasilaada islamarkaana shaqada ka joojiyay muddo 4 bilood ah labada hormuud, hase ahaatee waxaa wali xilka haya guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa hore isku casilay halka labadan Hormuudna wali shaqada laga hor taagan yahay.
b6eb22171763ee847cc9410cd366370d_L11220108_933372426709321_5042452377556983131_n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *