Search

Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wasaaradda Caafimaadka Iyo Qaar Ka Mid Ah Dhakhaatiirta Ka Hawlgasha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa (Foore)- Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo qaar ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgasha cisbitaalada Somaliland ee dhawaan ka soo qalin jabiyey jaamacadaha dalka ayaa khilaaf soo kala dhex galay.
Khilaafkan labada dhinac soo kala dhex galay ayaa lagu sheegay mid salka ku haya gunnooyin ay wasaaradda ka qaadan jireen oo ay ka heli jireen mid ka mid ah hay’adaha samafalka ah ee dalka ka hawl gala, gunnadaasi oo warkani sheegayo in aanay dhakhaatiirtu qaadan muddo 7 bilood ah, taasina ay keentay in ay dhakhaatiirtu joojiso dhammaanba adeegii ay ka qaban jireen cisbitaalada dalka. Wargeyska Foore oo darraad booqday wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa dhismaha wasaaraddaasi kula kulmay qaar ka mid ah dhakhaatiirta oo cabasho garnaqsi ah ula tagay masuuliyta ugu sarraysa wasaaraddan si xal looga gaadho khilaafka arrintan sababta u ah. 21 dhakhtar oo ka hawl gala cisbitaalka weyn ee Hargeysa,kana mid ahaa dhakhaartiirtii ugu danbeysay ee ka soo baxda jaamacadda Hargaysa qaybteeda Caafimaadka ayaa khilaafkani ka dhex aloosmay wasaaradda caafimaadka. Dhakhaatiirtan ayaa gar-naqsi arrintooda daarran ula tagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xoog), waxaanay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo so oaf-jari lahaa khilaafkan si dhakhaatiirtu adeegooda caafimaad u sii wadaan. Dhakhaatiirtan cabashada sameeyey ayaa la sheegay in aanay wax gunno ah qaadan muddo 7 bilood ah. Dhakhaartiirta ka soo baxda jaamacadaha wadanka ayaa muddo laba sanadood ah waxa ay si tabaruc ah uga hawl galaan muddo laba sanadood ah cisbitaalada dalak gaar ahaan cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Waxaana qaddar gunno ah siin jirtay qaar ka mid ah dhakhaatiirta hay’adda caalamiga ah ee THET taasi oo wakhtigan go’ay una muuqata in ay meesha ka baxday. Ilaa imika ma muuqato wax xal ah oo khilaafkan lagu soo afjaray, waxaanay dhakhaatiirtu ku doodayaan in wasaaraddu go’say qaddarkaasi gunnada ah ee hay’addu u soo marin jirtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *