Search

Khilaaf Ka Dhex Taagan Wasiirka Tacliinta Somaliland Geedoole Iyo Agaasimahiisa Guud Oo Saamayn Mugleh Ku Yeeshay Shaqadii Wasaaradda

Hargeysa (Foore) – Khilaaf Wajiyo Badan oo ku salaysan awood sheegasho dhinaca maamulka ah ayaa ka dhex taagan Wasiirka Wasaaradda Waxbarada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali waxaana maalmihii u dambeeyay socday ergooyin ukala dabqaadayay labadaasi masuul si ay u soo noqoto hanaankoodii wada shaqayneed ee wasiirka iyo agaasimaha Waxbarashadu,waxaanu khilaafkaasi sida la sheegay saamayn mugleh ku yeeshay Guud ahaan Shaqadii Wasaasadda iyo Shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda oo aad u badan.
Sida ay noo xaqiijiyeen Shaqaale ka agdhaw Masuuliyiintan oo ka tirsan Wasaaradu,khilaafkan ka dhex curtay Wasiir Faarax Cilmi Geedoole iyo Agaasimihiisa guud Abiib Axmed Cali ayaa ka soo taagnaa in mudo ah,waxaana ay noo sheegeen in Khilaafkaasi ka bilaamay awood sheegasho dhinaca maamulka Wasaaradda ah iyo Arimo kale oo ku saabsan qaabkii loo maarayn lahaa deeqaha dhaqaale ee Wasaaradaasi soo gala, waxaana la sheegay sidoo kale in labadani masuul ay si weyn ugu kala aragti duwanaadeen qaabkii loo hirgalin lahaa dhismaha iskuul ay sii dhagax dhigtay wasiiraddii hore ee Wasaarada Waxbarashadu oo loogu talo galay in lagu tababaro Macalimiinta,waxaana la sheegay in Hirgalinta Iskuulkaasi uu si weyn uga soo horjeestay Wasiir Faarax Cilmi Geedoole islamarkaana uu soo jeediyay qorshe kale oo ku meel gaadh ah oo macalimiinta loogu sii tababarayo Xarunta Dugsiga MUCAARIF oo ka mid ah iskuulada gaar loo leeyahay.
Sidoo kale,khilaafka labadani Masuul ayaa la sheegay inuu ka bilaamay Akawn Lacageed oo gaar ah oo uu samaystay Wasiir Faarax Cilmi geedoole,Akawnkaasi oo la sheegay inuu u samaystay inay ku soo dhacaan lacagaha Deeqaha ah ee wasaaradda Tacliinta Sare loogu soo deeqo. Waxa sida la sheegay Akawnkaasi si weyn uga soo horjeestay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali kuna tilmaamay sida la noo xaqiijiyay nidaam baal marsan sharciga wasaaradda oo uu wasiirku ku doonayo inuu xoole gaar ah ku samaysto,kuna tagri falo dhaqaalihii yaraa ee wasaaradda loogu talo galay in lagu horumariyo.
Warar kale ayaa intaa ku daray inay sidoo kale labadani Masuul ay si weyn iskugu khilaafeen shaqaale dhawaan ay qaateen oo boosas mihiim ah oo wasaaradda Waxbarashada ah loo dhiibay,kuwaasi oo sida la sheegay uu isku koobay oo keliya wasiirku,balse aanu wax talo ha ka waydiin,kana siin Agaasimaha guud,waxaanay arintaasi sii kala fogaysay waan laga dhex waday labadani masuul oo la isku soo jiidayay,taasi oo ay wadeen ergooyin iskugu jira Siyaasiyiin iyo macaliin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare.Isku dayo badan oo aanu samayn xalay inaanu masuuliyiinta Khadka Telefoonka ku helno ayaanay noo suurta galin kadib markii ay naga qaban waayeen telefankooda gacanta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *